Wararka sheegaya in Amisom imaanayaan Garoonka Cabdullahi Yuusuf International ayaa ah been abuur qaawan oo ay Saxaafadda soo gasheen Kooxo ujeedooyin kale leh.
Wararkaan ayaa ah mid ay isla dhex marayaan Qolyaha ku sifoobey baahinta wararka beenta ah.
Sarkaal ka tirsan Dowlada Puntland oo Puntlandi la hadley ayaa yiri “Waxaad mooda dadka qaarkiis ineysanba fahan saneyn Puntland ama Dowlada Federaalka ah, Dowlada Federaalku awood uma lahan iney iska daa cid ay keenaan Garoomada Puntland e iyagu (Dowlada Federaalku) awood uma laha iney Puntland yimaadaan hadeysan ogolaansho ka Heysan Dowlada Puntland, beesha Caalamkuna waa ogyihiin, Xukuumada Puntland na waa awooda ugu weyn Soomaaliya maanta ka jirta, Aduunkuna daneeya Soomaliyana wuu ogyahay, Amisom hadaan usoo laabto, Mandat-ka ay haystaan waa iney Koonfurta Soomaaliya Ka difaacaan Al-shabaab, hadaan nahay Puntland waxaan qorsheyneynaa inaan anaguna Amisom ka mid noqono waayo Ciidanka Puntland wuu awoodaa inuu Xamar ka sifeeyo Al-shabaab iyo wixii lamid ah”.
Sarkaalkan ayaa dhinaca kale wuxuu sheegey in wararka been abuurka ah ee had iyo jeer la baahiyo ay awood ka dhigtaan kooxo aan awood kale lahayn.
Dhinaca kale beesha caalamka ayaa si dadban ugu riyaaqdey sidii Puntland u maareeyeen falalkii Argagixisnimada ahaa ee Cabdi Qaybdiid iyo Maleeshiyaadkiisu ay Qorsheynayeen iyo in Puntland iska difaacdo cid walba oo isku deyda iney wax u dhinto Amaanka Puntland.
Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa iska dhaga tirey iney ka jawaabaan Codsigii iyo Dacwadii uga timid Cabdi Qaybdiid ka dib markii uu Cabdi Qaybdiid Dacwado kala gadisan oo iskasoo horjeeda uu beesha Caalamka u soo gudbiyey tasoo uu Pubtland uga dacwoonayay.
Puntlandi.con
Garowe.