Raysal wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan qaadi doona talaabo uu xilka uga qaadayo qaar ka mid ah golihiisa Wasiirada.
Wasiirada Xilka laga qaadayo ayaan wali la shaacin magacooda laakiin Warar hoose oo Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Wasiirada Xilkooda waayay ay yihiin kuwo Raysal wasaaruhu ku eedeynayo Xil gudasho la’aan.
Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in Wasiirada Xilka laga qaadayo ay yihiin kuwo isku dayay iney hareer maraan amarka Raysal wasaaraha, Waxaana macquul ah iney badankoodu bilaabaan dhowaan iney is casilaan inteysan ku dhicin Seefta Raysal wasaaha.
Talaabadaan uu Raysal wasaaruhu Xilka uga qaadayo wasiiradiisa qaarkpod ayaa imaaneysa xili uu soo ifbaxay Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Raysal wasaare Cabdiwali Sheikh Axmed.
Dad aad ugu dhowdhow Villa Soomaaliya ayaa Puntlandi u sheegey in Raysal Wasaare Cabdiwali uu yahay shaqsi illaaliya sharuucda Dalka isla markaasna caado u leh inuusan cidna udaba fariisan Go’aanka uu damamco inuu gaaro.