Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Ogaysiis– Mudaharaad loogasoo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheikh po ka dhacaya Brussels

$
0
0


Magaaladda Brussels 08/09/2014

Waxaan la ogeysiinaya dhamaan Jaaliyada Somaliyeed ee dalalka Europe ku kala nool in eey ka soo qeyb galaan Mudaaharaad weyn oo ka dhan ah dawladda Somaaliya. 

Mudaaharaadka waxa laga mudaharaadayaa:

1- Dawladda Federaalka oo amniga dalka wax ka qaban weyday mudadii  xukunka dalka ee la wareegeen.

2- Dawladda Federaalka oo caburisay saxaafadda xorta ee magaaladda Mogadisho.

3- Dawladda Federaalka oo dastuurka si cad ugu xad gudubtay. Qodobo badan oo ku saleysnaa jiritaanka nidaamka Federaalka dawladda wax ka badashay iyada oo golaha Baarlamaanka la hor keenin.

4- Gobolka Shabeelaha hoose oo la xasuuqay, iyada oo loo isticmaalay maleeshiyaad dawladda Federaalka eey ka dambeyso. Awooddii dawladeed, hubkii iyo labiskii ciidanka dawladda loo isticmaalay in dadweynaha nabad jecel ee Shabeelaha Hoose lagu wax yeeleeyo.

5- Dhaqaalihii magaca Ummadda Somaaliyeed lagu bixiyey oo shaqsiyaad gaar ah oo madaxweynaha uu ka mid yahay eey lusadeen, wadamo dalka Turkiga ka mid yahay daaro waaweyn eey ka iibsadeen.

6- Dawladda Federaalka ah waxa eey hor taagan tahay hab u socodka maamuladda dalka ka dhisan sidda, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Puntland.

Mudaharaadka waxa uu ka dhacayaa magaaladda Brussels ee dalka Beljim, maalinta Isniinta ah ee 08/09/2014, 

Saacaduna tahay 12:00 duhurnimo, ka soo horjeedka xafiiska Midowga Yurub “Shuman square Brussels”.

 

Kala xariir magacyadda iyo telefoonadda hoos ku qoran wixii suáala ah iyo wax qabad: 

Mudane: Cali Cabdulaahi   - tel. +32-484593825     

Mudane: C/qaadir Cali Jaxaf  - tel. +32-484485341     
mudane: Ismaaciil Waamo   - tel. +32-489033014     

 

Dadweynaha ku nool dalka Holland, waxa aad kala xiriiri kartaan habkii lagu tagi lahaa magaaladda Brussels magacyadda iyo telefonaadka hoos ku qoran:

Mudane: Cabdilaahi Caabi   - tel. +31-24866140

Mudane: Axmed Cabdi Cali   - tel. +31-25022947

Mudane: Xussein Xaaji  - tel. +31-13398629


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles