Kadib Wadahadal maalmo socdey iyo go’aamo intii lawada gaarey hadana Korneylka iyo Kooxdiisu ay hadalo ka keeneen ayaa dhaliyey in Xubnaha Itoobiya uga midka ahaa Wafdiga IGAD ee wadahadalka kula jirey Korneylka ay ka xumaadaan in Korneyl Bare Hiiraale uu san qaadan Go’aan cad.
Ugu dambeyntii Waxaa Xalay lawada qaatey go’aan cad oo ah in Korneyl Bare Hiiraale uu u duulo Muqdisho isla markaasna Ciidankiisa Goobweyn joogaa ay soo galaan Kismaayo waxaana amaankooda balan qaadaya AMISOM.
Sida aan xogta ku helney Kulankii shalay ka dhacay Goobweyn wuxuu ahaa mid xasaasi ah oo la isu awood sheegtey, waxayna u muuqataa in heshiiskii lawada galay 27 bishaan uu daaqada kabaxay.
Xubnaha Itoobiya ugu jirey shirka ayaa hoosta ka xariiqey in Dowlada Itoobiya ay iyadu damiin ka ahayd taaba galinta heshiiskii Adis ababa sidaas awgeedna ay xaqiijineyso in heshiiskaas taaba galo.
Korneyl Bare Hiiraale waxaa hada loo fidiyey baaritaan caafimaad oo ay baarayaan dhakhaatiirta Amisom ka dibna beri ayaa Muqdisho loo duulinayaa.
Puntlandi
Kismaayo