Inkastoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan xaalada Kprneyl Bare Hiiraale iyo mustaqbalkiisa hadana Bahda Puntlandi ayaa goor dhaweyd helay wararkii ugu dambeeyey.
Heshiiskii hore ee dhinacyada wada hadlayay ay wada gaareen 27kii bishaan ayaa ahaa mid Korneyl Bare Hiiraale uu ogolaadey in uu Muqdisho aado, Ciidanka la joogana lagusoo xereeyo Kismaayo halkasoo dhaqan celin iyo Ciidameyn loo sameynayo kadibna lagu dari doono Ciidanka Jubaland.
Waxaa kaloo Heshiiska ka mid ahaa in Korneylku uu dib ugu soo laaban doono kismaayo si uu uga qayb galo Shirwaynaha dib u heshiisiinta Jubaland oo dhowaan Kismaayo ka furmi doona, inta ka horeysana uu Muqdisho joogo.
Laakiin heshiiskaas waxbaa kasoo laabtey ka dib markii Shalay oo ahayd 28 bishaan Ogosto uu Korneyl Bare Hiiraale isbadal Sameeyey wuxuuna Korneylku soo bandhigey sharuudo hor leh oo ay kamid tahay in shirka wada heshiisiinta la badalo loona badalo Wadahadal laba dhinac ah oo loo wada hadlo Garabka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Garabka Kurneyl Bare Hiiraale.
Arintaan waxaa ka xumaaday Maamulka Jubaland oo ku tilmaamey go’aan ay qolyo kale ka dambeeyaan oo aan sinaba ugu cubtameyn in miisaan intaa le eg uu Bare Hiiraale lasoo shir tago.
Ergada Jubaland waxay ku adkeysteen Go’aankii laguwada gaarey Goobweyn 27 bishaan oo ahaa in Korneyl Bare aado Muqdisho kana duulo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kadibna uu kasoo qayb galo Shirwaynaha Dib u heshiisiinta Jubaland isagoo ka mid ah ergada kale oo shaqsi ah.
Maanta ayaa dib la isugu noqdey iyadoo Ergo lop direy Korneylka laakiin ilaa hada lama hayo waxa kasoo baxay wada hadalkaas.
Puntlandi.com
Kismaayo