Marwada Jeneraal Maxamed Abshir Hamaan Marwo Faadumo Maxamed Aaden oo shalay uu isku dayay inuu khaarajiyo nin Jeneraal Bileyska Muqdisho ka tirsan oo doonayay inuu Xalaaleysto guriga Jeneraalka oo uu xoog ku deganaa ayaa dhaawaicii soo gaaray Warwada awgeed loo qaadayaa Dalka dibadiisa.
Dhaawaca Marwada ayaa maanta loo qaadayaa Dalka dibadiisa, waxayna xabadu uga dhacdey Wajiga, sida aan kasoo xiganay xubno ka tirsan Qoyska.
wararka aan saaka ka heleyno xaalada Marwada waxay sheegayaan in xaaladeedu aysan hada khatar ahayn oo Dhakhaatiirta Amisom ay tan iyo shalay la tacaalayeen.
Sida aan Wararka ku heleyno Ninka guriga Jeneraalka xooga ku heystey oo ka dambeyey isku dayga dilka Marwada wuxuu doonayay inuu sameeyo sheeko caan ka ah Muqdisho oo oroneysa “Guriga aad degan tahay hadii qofkii lahaa yimaado, Khaaraji qofkaas markaas gurigu waa kuu xalaal”
Marwo Faadumo iyo laba caruura oo ay dhashey ayaa maalmahaan Muqdisho u joogey sidii ay dib ulasoo laaban lahaayeen Gurigooda oo ku yaal nawaaxiga Villa Soomaaliya waana guri caan ah oo qof walbaa yaqaan , waa gurigii uu Jeneraalku daganaa ee Villa Soomaaliya ka dambeeyey waxaana guriga si xooga ku deganaa Nin Jeneraal Booliska ah sheegta oo dadka ugu sheekeyn jirey “Guriga waxaan u hayaa Jeneraal Maxamed Abshir”.
Waxaa nasiib daro ah ineysan Dowlada Federaalka ah aysan wali ka hadlin kiiskaan loogeystey Jeneraal Maxamed Abshir Hamaan iyo Qoyskiisa.
puntlandi
Muqdisho