Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Sawirro +Dhageyso) Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo ka qayb galay Kullan lagu taageerayay Go,aamadii ka soo baxay Shirkii wadatashiga

$
0
0

(Pi Garoowe) Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland gaar ahaa Xarunta Cilmi Baarista Puntland(PDRC) kaga qayb galay Kullan lagu taageerayay qodobadii ka soo baxay Shirkii wadatashiga Dowladda Puntland iyo Xildhibanada Puntland ugu jira Fadaralka.

Kullanka ayaa waxaa iyana ka soo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulahi Camay,Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Siciid Xasan Shire,Wasiiro,Isimo,waxgarad,,Culimo udiin , siyaasiyiin,Ururo ka socday Bulshada Rayidka ah iyo Masuuliyin kale.

‘’Mar walba waxaan niraahna Puntland waa Hooyada Fadaralka Soomaliya, waa Hooyada Dowladnimada Soomaliya ee hada jirta hadal layska leeyahay Maahan ee waa dhab Puntland baa horsed u ahayd,fikirkeeday ahayd,dadaalkeeday ahayd in Soomali isu timaado’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’runtii waxaanu ka shaqaynay in xiriirki u dhaxeeyay Puntland iyo fadaralka aanu wanaajino iyadoo dowladii naga horaysay ay xiriirka ujartay Dowladda Fadaralka ayaan anagu waxaan isku daynay in xiriirkaasi wanagsanado ‘’

‘’Sababtoo ah waxaan islahayn wax badan baa Puntland uga dhumi kara Dowladda fadaralka ahna uga dhumi kara in xiriirkaasi uusan wanagsanan oo xunyahay dhankayaga runtii wixii dadaal ah ee aanu samayn karno waanu samaynay inaanu soomalinimo ka shaqayno oo laysku yimaado lana wada shaqeeyo laakin puntland wax badan ayay tirsanaysaa ‘’

‘’25-sano oo dowladnimo la,aan ahi waa tan dhafooradaasi noo yeeshay ‘’Ayuu hadalka raaciyay Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo kullankaasi ka jeediyay Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay.

‘’Markii la saxiixay maamulka Gobolada dhexe raga qaarkii waa ay hadleen waana goodiyeen Cabdi-qaybdiid wuxuu yiri Fad ama Hafadin waa lagu fadsiin marka Cabdi qaybdiid hadalka saa leeyahay waxaan isleeyahay warkaasi waxa uu ahaa Gardaro garab og’’Ayuu yiri Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

‘’Puntland iyadu cidna kuma xadgudbayso laakin waa ay xisaabtamaysa wax lawada leeyahayna cidna si gaar ah uma takrifalikarto,Dowladd baa lawada dhistay hashiis bulshaa lawada galay marka wixii la lahaa in cid gaar ah say doonto ugu takrifasho,siyaasad ahaan ,dhaqaale ahaan ,military ahaan ayay Puntland diidan tahay’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Dhamaan Isimadii,Bulshadii,Siyaasiyiinti iyo Waxgaradkii ka soo qayb galay shirka ayaa waxa ay siwadajir ah u taageren qodobadii ka soo baxay Kullankii wadatashiga Dowladda Puntland iyo Xildhibanada Puntland ugu jira Fadarlka ee ka dhacay Garowe .

Halkaan ka dhageyso codka madaxweynaha oo arimo badan ka hadlaya.

Daawo Sawiradda

IMG_7167 IMG_7176 IMG_7187 IMG_7190 IMG_7191 IMG_7199 IMG_7203 IMG_7217 IMG_7218 IMG_7220 IMG_7224 IMG_7234 IMG_7242 IMG_7247 IMG_7251 IMG_7252 IMG_7254 IMG_7256 IMG_7257 IMG_7259 IMG_7260 IMG_7262 IMG_7274 IMG_7287 IMG_7298 IMG_7305 IMG_7318 IMG_7319 IMG_7326 IMG_7328 IMG_7357

Puntlandi.com- Garoowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles