Dowlada Puntland ayaa 1 bishaan ogoosto howlgaliyey in Hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Puntland ay bixiyaan Canshuuraha.
Wasiirka Maaliyada oo la hadley Saxaafada ayaa arintaan ku tilmaamay guul la gaaray iyo bilow wanaagsan oo horseedaya in Dowladu ay hirgaliso arurinta Canshuuraha.
Arintaan ay Dowladu ku waajibisey Canshuur inay baxshaan Hay’adaha Caalamiga ah ayaa shacabku aad usoo dhaweeyeen.
Dhinaca kalena Dadka ku xeeldheer Dhaqaalaha oo la hadlay Puntlandi waxay soo dhaweeyeen in Canshuur lagu waajibiyo Hay’adaha lakiin ay haboontahay in Shirkadaha isgaarsiinta iyo Xawaaladaha iyana sharci adag oo canshuur bixin ah loo sameeyo.
Mid ka mid ah Aqoonyahanada Puntlandi la hadlay wuxuu yiri “Waxaa nasiib daro ah in Shirkadaha isgaarsiinta iyo Xawaaladuhu ay Malaayiin doolar ka qaadaan shacabka Puntland lacagtaasoo aan haba yaraatee shilin ka mid ah uusan Bulshada dib ugu soo laaban taasina waa nasiib daro, waxaan hada maqlayay in Dowladu ay wado qorshe canshuur looga qaadayo labadaan Shirkadpod laakiin waa in lasoo dadajiyaa.”
Puntlandi.com
Garowe