Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xarunta Xalane ee Magaalada oo shir uga furmayo qaybo ka mid ah Soomaaliya iyo Xubno ka socda Golaha Amaanka QM

$
0
0

Waxaa Xarunta Xalane soo gaarey wafdi ka socda Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey kuwasoo kulan la qaadanaya Masuuliyiinta Dowlada Federaalka iyo Wafdi ka socda Jubaland oo hada ku sugan Xalane.

Golaha Amaanka ayaa dalbadey iney la kulmaan Jubaland iyo Dowlada Federaalka iyagoon la ogayn ujeedkooda.

Sida aan xogta ku helney Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa isku dayay inuu wafdiga ku casumo Villa Soomaaliya balse waxaa arintaas hor istaagay masuuliyiinta ciidanka Illaalada Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Muqdisho jooga.

Kulanku wuxuu ka dhacayaa Xalane oo xaqiiq ahaan ah meel aysan faraha ku heyn Soomaaliya ee ay maamulaan Ciidamo isku dhafa oo ajnabi ah.

Faahfaahinta Shirkaan Sadex geesoodka ah QM, Dowlada Fedrraalka iyo Jubaland goor dhow naga filo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles