Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Kenya oo dib ugu yeertey Toban kun oo ka mid ah Booliskii shaqada ka fariistey si ay ula dagaalamaan Dambiyada bulshada dhexdooda

$
0
0

Dowlada Kenya ayaa dib ugu yeertey shaqaalaynaysana ugu yaraan 10 kun oo Bileys howlgabka noqdey si ay ula dagaalamaan ugana qayb qaataan dambiyada yaryar ee bulshada dhexdeeda.

Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegey in loobahan yahay xiligaan in laga faa’iideysto khibrada ay leeyihiin Booliska Howl gabay tasoo ah mid aqoon Caalami ah iyo mid ay gudaha Dalka ku qaateen leeyihiin.
Wasiirku wuxuu kaloo yiri “Waa loo bahan yahay inay la dagaalamaan Dambiyada ka dhaca Bulshada dhex deeda oo ah Dalka gudihiisa oo Qura, iyadoo laga faa’iideysanayo Tababarka ay leeyihiin Booliska Howlgabay, waxay haystaan Tababar ay ku qaateen Dalka iyo Dibadaba.

Hadii Kenya ku guuleysato iney dib u howlgaliyaan Booliskii howl gabay waxaa yaraanaya Dambiyo xaafeedka ka dhaca Magaalooyinka waaweyn ee Kenya sida Tuugada, isticmaalka iyo ka ganacsiga Daroogada iyo Dambiyada yaryar ee badanaaba ka dhaca suuqyada Magaalooyinka.

Puntlandi.com
Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508