Wafdi ka socda Midowga Yurub oo uu horkacayo Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta ee Dalka Denmark Mr. Mogens Jensen ayaa maanta waxay Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ay ugu yeerteen oo kula kulmeen Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh iyo Raysal wasaare Cabdiwali Sheikh Axmed.
Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta Puntlandi u sheegey in Kulanka diirada lagu saarey siyaasada iyo horumarinta Soomaaliya, Wasiirka Reer Denmark wuxuu hoosta ka Xariiqey in Dalkiisu uu diyaar u yahay caawinta Soomaaliya iyadoo Masuuliyiinta Soomaaliyana looga fadhiyo illaalinta Dastuurka iyo ku dhaqankiisa, Wasiirku wuxuu si sarbeeb ah u yiri “Denmark waa dal tix galiya hantida shacabka iyo illaalinteed, Waxaan dhowraa sharciga Dadku ku heshiiyeen, Deeqda aan bixino marnaba ma ogolaaneyno in ay gacanta u gasho Dad aan xaq dhowreyn Danaha iyo xuquuqda shacabkooda.
Wasiirka Horumarinta ee Denmark oo wakiil ka ahaa Dalkiisa iyo Midowga Yurub wuxuu dib ugu laabtey Magaalada Nairobi.