Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xaalada Muqdisho oo kacsan kadib Dagaal beeleed dhexmaray Ciidanka DF

$
0
0

breaking nesGaroonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Wadada Maka Al Mukarama oo ahayd wadada kaliya ee Dowlada Federaalku gacanta ku heysay amaankeeda ayaa gabi ahaan xiran ka dib markii Ciidamada Dowlada Federaalka ee tuutaha qaba iyo kuwa nabadsugida uu Dagaal culus dhexmaray Xalay iyadoo hub culus la isu adeegsadey.

Dagaalka ayaa la sheegey inuu ka bilowdey weerar lagu qaadey guriga uu degan yahay wiil uu dhalay Qanyare ka dibna uu dagaalku isu badalay mid beeleed.

Saraakiisha Villa Soomaaliya ayaa isku dayay iney kala dhex galaan Maleeshiyada huwan magaca Ciidanka Dowlada ee isku dagaalamaya magaalada dhexdeeda laakiin way ku guuleysan waayeen.

Saaka xaaladu waa degan tahay laakiin shacabku aad ayay u cabsanayaan.
waxaana lagusoo Waramayaa in Ina Qanyare oo la isku dayay in la khaarajiyo uu hada u habar wacdey Maleeshiyo Beeleedkii beeshiisa.

Isbitaalka Darushifa ayaa dhaawac fara badan lagasoo buuxiyey, Waxaa kaloo isbitaalka la keeney Meydka Sargaal Caydiid oo lasheegey inuu watey Maleeshiyo beeleedkii huwanaa magaca Nabadsugida, kasoo durbadii hore ee dagaalku bilowdey ay xabad haleeshey.

Nin shacaba oo goob joog ahaa goobaha laga dagaalamay ayaa Puntlandi ku yiru “Aad ayaan u cabsanaynaa Mooryaan baa intee naloo keeney nalaku yiri waa Ciidan Qaran waa taas ceebtoodii, Hubkii Dowlada bay laba beelood ugu kala safteen”.

Saaka gabi ahaan way Xiran yihiin Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Wadada Maka Al Mukarama.

Wariye Madaxbanaan oo usoo waramaya Puntlandi ayaa iminka kusuga nawaaxiga Garoonka diyaaradaha isagaana khadka teleefoonka noogusoo gudbinaya sida xaaladu tahay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles