Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo hadal ka soo saaray munaasabadda Ciidda Soonfurka

$
0
0

WARSAXAAFADEED 34/2014
nicholasKaystatementMuqdisho, 28 July 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa salaam iyo bogaadin kal iyo laab ah u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed iyagoo maanta u dabbaaldegaya Ciidda Soonfurka ama Ciidul Fitriga.
“Iyadoo ay Soomaaliya u dabbaaldegayso Ciidda Soonfurka, waxaan dhammaan Soomaalida iyo qoysaskooda u rajeynayaa Ciid Wanaagsan/Ciid Mubaarak. Maanta waa maalin loo dabbaaldego dhammaadka soonka bisha barakaysan ee Ramadaan iyo in la xusuusto dadka danyarta ah ee aan sideena oo kale aan u nasiib badnayn. Waxaan rajeynayaa in dareenkan dibuheshiisiin iyo iswaafaqsanaan ee ciiddan uu ka qayb qaadan doono nabad ka dhalata Soomaaliya oo idil. Ciid Wanaagsan!”, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

Dhamaad.

Get updates from UNSOM:


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles