Kulankaan oo ahaa afur wadareed ay soo diyaariyeen Jaaliyaddaha Puntland iyo Jubaland ee wadanka UK, gaar ahaan caasimada Labaad ee Birmingham laguna soo dhawaynayey Wasiirka Wasaaradada Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ing Xasan Xaaji Siciid ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha Kala duwan ee Jaaliyadaha Mataanaha ah ee Puntland iyo Jubaland.
Wasiirka Duulista Hawadda Iyo Garoomada Puntland ayaa ka mahadceliyey sida quruxda badan ee loo soo dhaweeyey isla markaasna jaaliyadaha ku amaanay siday isugu xiranyihiin wadankoodiina maanka ugu hayaan isagoo hoosta ka xariiqay muhiimada ay Puntland Iyo Jubaland ba u leedahay isku xirnaanta Jaaliyadaha Debadda iyo waliba xiriirka joogta ah ee ay la leeyihiin Wadanka Gudihiisa.
Munade Xasan Xaaji Siciid ayaa ku dheeraaday qorshaha cusub ee siyaasada Puntland isagoo sheegay in ay Puntland qaadatay siyaasad ku salaysan wadatashi iyo isla xisaabtay ayna ka go antahay in la hirgaliyey.
Wasiirka ayaa sheegay in qorsha cusub ee Dawlada Puntland qaadatay awooda la saarayo in kor loo qaado dayactirka kaabayaasha Dhaqaalaha, sida Garoomada, Dekadaha, iyo Wadooyinka Puntland.
Waad la socotaan in Garoonkii Bossaso hawshiisii bilaabatay garoomadii kale na way ku xigaan ayaan yiri mudane xaaji. wuxuuna qurba-joogta Puntland ugu Bishaareeyey in mudo sanad gudihiis ah Puntland laga hirgalin doona Garoomo diyaaradeed caalami ah,
Masuuliyiin kala duwan ee ku hadashay magaca Jaaliyadaha Puntland iyo Jubaland ayaa si isku mid ah u sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin imaatin ka wasiirka ee Uk iyo waliba warbixinta waafiga ah ee uu ka siiyey qorshaha Puntlandta cusub.
Xafiiska warbaahinta ee Jaaliyadaha
Puntland iyo Jubaland