Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faahfaahin kooban Weerarka lagu qaadey Villa Soomaaliya

$
0
0

Sida naloo xaqiijiyey Raysal wasaare Cabdiwali xiliga weerarku dhacayay wuxuu ku sugnaa Gurigiisa oo ka baxsan Madaxtooyada.

Weerarka ay Villa Soomaaliya ku qaadeen Al-Shabaab ayaa ahaa kuwo qorsheysnaa waayo waxay si sahlan kusoo galeen qaybo kamid ah Madaxtooyada markaas ka dib ayaa rasaastu bilaabatey.

Shaqsi ku sugan meel ku dhow Madaxtooyada oo Puntlandi kula hadley teleefoonka wuxuu sheegey in weerarka ay difaaceen ciidanku rasaas kululna la isdhaafsadey laakiin ma uusan sheegin meesha ay hada ku sugan yihiin kooxihii soo weeraray madaxtooyada, wuxuuse u badinayaa iney qaybo ka mid ah Madaxtooyada ay qabsadeen markii hore hadana rasaastu ay istaagtey.

Sida ay warar dublamaasiyadeed oo Puntlandi heleen ay sheegayaan Madaxweynuhu kuma sugneyn Madaxtooyada xiliga weerarku dhacay wuxuu kulan kula lahaa Garoonka Diyaaradaha Ergayga Gaarka ah ee QM Mudane Kay.

Ilaa hada ma jiraan warar rasmi ah oo xaqiijin kara khasaaraha ka dhacay Villada.

Wixii soo kordha ksla soco Puntlandi.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles