Dowladii KMG ahayd ee u dambeysay oo ay garwadeenka ka ahaayeen Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed iyo Raysalwasaare Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaa loo igmaday shaqo baaxadweyn oo mudo sanad ah loo qabtey iney ku hirgaliyaan.
Raysal wasaare Gaas wuxuu ahaa shaqsigii loo igmadey inuu dhabarka u rito hirgalinta Roadmapka iyadoo waliba lasiiyey mudo gaaban.
Xukuumadiisii Badbaado qaran waxay ka guulaysatay kooxihii Federaal diidka ahayd, ka dib markay geed dheer iyo geed gaaban ay u fuuleen hirgalintii Roadmapka.
Waxaa xaqiiq ah in Madaxweyne Shariif uu ahaa geel jire geela waa wada jiraa hadana wuu kala jiraa, macnuhu waxaa weeye Mudane Shariif marnaba kuma qanacsaneyn hirgalinta Roadmapka, Laakiin Waxaa ka awood badiyey xukuumadii Raysal wasaare Gaas iyo Madaxweyne Faroole oo dhiniciisa laf dhuun gashay ku noqdey kooxii Federaal diidka oo dhowr jeer isku dayey iney ka faa’iideystaan Raysal wasaare Gaas oo aad ugu mashquulsanaa qabashadii shirarkii looga baxayey kumeelgaarka, ansixinta Dastuurka federaalka iyo caqabadaha joogitaanka ka ahaa Muqdisho.
Federaalka hirgalintiisa waxaa laga gaarey guul wayn, waxaana xaqiiq ah in laga guuleystey kuwii diidanaa Federaalka,kuwasoo wali jaha wareer iyo dib u dhac ku haya qaar ka mid ah shacabka Koonfurta Soomaaliya.
Wali fari kama qodna faanoole oo Passporka Soomaaliya iyo waxyaabo kale oo badan wali wakhti looma helin in lagu qoro ama lagu muujo in Soomaaliya ay Federaal tahay, Xiligii xukuumadii Madaxweyne Dr. Faroole ilaa hada Baasaboorka Soomaaliya kuma qpreyn Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee waxaa ku qoraa JAMHUURIYADA SOOMAALIYA, marka yaa yiri waxbaa laga badaley Passporka Soomaaliya.
Madaxweyne Gaas u malayn mayo inuu la yaabay markuu arkey Magaca Soomaaliya sida uu ugu qoran yahay passporka laakiin wuxuu garowsadey in hada la joogo xiligii la dhameystiri lahaa qaybaha ka dhiman hirgalinta Federaalka.
Hoos ka daawo Shaqadii Madaxweyne Gaas kasoo qabtey Muqdisho xiligii gaabnaa ee uu Raysalwasaaraha ahaa iyo shaqadii muhiimka ahayd ee uu fuliyey.
Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Faroole xili uu marti u ahaa xaflad ay London kusoo qabanqaabiyeen kooxii federaaldiidka ayuu yiri “Waxaa meesha iiga muuqda in Dadkaan Dalkii mar hore ugu dambeysey “Soomaaliya magacii waa laga badaley oo waxaa loo baxshey Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waxaa ka hoos dhashey Dowlado sida Dowlada Puntland ee AFKIINU HA BARTO”
Hoos ka daawo videoga Faroole iyo kooxdii Tarsan
Gunaanadku waxaa weeye Hogaamiyaha Shacabka Puntland ee maanta waa nin aragti dheer u leh Siyaasada ka jirta gayiga Soomaaliya, wuxuuna ka dharagsan yahay baahida shacabka Soomaaliyeed u qabaan Dastuurka iyo Federaalka.