Habeenimadii xalay sabti 05-07-14 ayaa Hogaamiyaasha Jaaliyada reer Puntland ee Britain oo iyagu u dhaq-dhaqaaqa arrimaha siyaasada iyo horumarinta Puntland ayaa magaalada London Afur ugu sameeyey Dr. Ciise Maxamuud Faarax Dhoolawa agaasimaha macdanta & Batroolka Puntland oo maalmahan booqasho shaqo oo dhowr cisho qaadatay London kusoo gaaray.
Wakiilka Puntland u fadhiya UK iyo guddoonka jaaliyada ayaa munaasabada hadalo soo dhoweyn ah u jeediyey Agaasimaha oo maalmahan booqasho gaaban ku joogay London.
Dr. Ciise Dhoolawa ayaa xog-waran kasiiyey hogaamiyaasha jaaliyada reer Puntland ee kulanka joogay arrimihii uu u yimid magaalada London iyo guud ahaan xaalada haatan ka jirta Puntland oo uu agaasimuhu ku tilmaamay inay aad u wanaagsan tahay.
“London waxaa u imid inaan la kulmo dhowr company iyo waliba maal-geliyaal caalami ah si aan mar walba indhaha caalamka ugu soo jeedino in Puntland tahay dal xasiloon, horumar iyo nabadgelyana ay ka jirto caalamkuna maalgashi ka samayn karo, waxaana ii suurta gashay oo kale inaan warbaahinta caalamigana uga waramo harumarka Puntland ka socda iyo arrimaha la xiriira halka ay marayso arrimaha baarista shidaalka”. ayuu yiri Agaasimaha macdanta iyo batroolka Puntland.
Mar uu agaasimuhu ka hadlayey muran u dhaxeeyey sanadihii lasoo dhaafay Puntland iyo dowlada federaalka ee ah arrimaha sharciyada ku saabsan ee baarista shidaalka ayuu agaasimuhu sheegay in murankaas uu waligiis taagnaa ee aysan ahayn wax ay abuurtay ama dambi ay ku leedahay dowlada cusub ee madaxwyne Gaas.
“Warbaahinta qaar oo rag qaarkiis ay dano kale ka leeyihiin ayaa qora in muranka iyo arrimaha taagan iminka ay yihiin wax dowlada cusub ee Puntland ay masuul ka tahay, balse arrimahan hada taagan dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waa ay jireen oo waa taagnaayeen, balse waxaan idiin sheegayaa in dastuurka uu qorayo in Puntland heshiisyadeeda, dhaqaalaheeda, arrimaheeda bulsho intaba ay masuul ka tahay dowlada Puntland, dastuurka wuxuu qorayaa in dowladaha xubnaha ka ah federaalka oo ay hada Puntland un ka jirto in ay arrimaheeda u madax bannaan yihiin inta lasoo dhameeystirayo dowlad goboleedyada xubnaha ka ahaan doona dowlada federaalka ee dhexe, sidaa daraadeed anaga ayaa masuul ka ah dalkeena Puntland horumarkiisa, iyo maalgashigiisa intaba”. sidaas waxaa yiri Dr. Ciise Dhoolawa.
Agaasimaha macdanta iyo batroolka Puntland wuxuu kaloo qurba-joogta reer Puntland u sheegay in Puntland adduunyadu si weyn u danaynayso haday noqon lahayd maalgashi, iyo xiriiro kaleba, waxaana dhowaan lagu rajo weyn yahay ayuu yiri in garoomada Bosaso iyo Garoowe howshooda la bilaabo, iyadoo kan Gaalkacyana uu ku xigi doono, si ay garoomadaas gacan uga geystaan kaabayasha dhaqaalaha iyo imaanshaha dalka dadka doonaya in dalkeena ay wax ka qabsadaan ama ka qabtaan.
Mar uu agaasimihu ka hadlayey halka ay haatan mareyso arrimaha sahminta shidaalka Puntaland ayuu ka muujiyey rajo aad u wanaagsan, iyadoo heshiiskii shirkada bareysa lala galay uu wali sidiisii yahay oo muddo ka harsan tahay, haatana ay dalkii joogaa, mustaqbalkana shirkado cusub oo hor leh dalka iman doonaan.
Ugu dambayntii Agaasimaha ayaa ku booriyey jaaliyada reer Puntland ee Britain oo ah meelaha ay jaaliyada sida weyn ugu badan yihiin in ay is abaabulaan oo sanduuq dhaqaale samaystaan, islamarkaana ay dalka dib ugu soo celiyaan khibradooda, aqoontooda iyo maal-gelintooda.
Sidoo kale Agaasimaha ayaa ka codsaday jaaliyada inay lopping ama olole dalka ay joogaa uga sameeyaan Puntland iyagoo xiriiro la samaysanaya madaxda iyo MP-yada dalkan Britain, si buu yiri looga hortago kuwa caadeystay inay been iyo wax aaan jirin ka gudbiyaan Puntland oo Soomaali sheeganaya mana garan karno ayu yiri waxa ku kalifaya kuwaas inay been abuur iyo xumaan ka faafiyaan Puntland, iyagoo ku andacoonaya in Puntland aan waxba laga baari karin ama aysan tagi karin shirkaduhu deegaamada Puntland,halka Afgooyana hada la geeyey shirkad la sheegay in ay baaris shidaal ka samayn doonto, sidaa daraadeed in shaatiga iyo saxiixa dowladniadii umadda ka dhaxeeyesay loo adeegsado faquuq iyo dagaal badheedh ah oo lagula jiro Puntland waa mid aynaan qaadan karin, lana aqbali karin.
Dhamaad
Xafisika Jaaliyada Puntland ee Britain