Ku: Dowladda Federalka Soomaaliyeed
Ku: Gurbajoogta Soomaaliyeed dhammaantood
Ku: Beesha Caalamka ee Daneeya Arimaha Soomaaliya
Og: Dowladaha Puntland iyo Maamulka Jubbaland
Kadib xidhiidh iyo wada hadalo qotodheer oo ay wada yeesheen jaalliyadaha Puntland iyo Jubbaland ee Yurub iyo waqooyiga Ameerika iskagana waraysteen aragtida iyo fikirka jaaliyadeed ee ay kaqaban shirkii dhawaan xubno iskood isu abaabulay oo jaalliyadaha Soomaaliyed kamid ah ay kuyeeshan magaalada Istanbul ee ee wadanka aynu walaalaha nahay ee Turkey. Waxaay go’aansadeen in war-saxaafadeed ay u dhanyihiin kuna aadan kullankaas ay si wadajir ah u soosaaran.
Jaaliyadahan kor kuxusan ee Soomaaliyeed waxaay taageersan yihiin cidkasta oo u kacda una hawlgasha badbaadinta, samatabixinta iyo midaynta ummadda Soomaaliyeed gudo iyo dibadba, waxaay si hagar la’aan ah uga qaybqaateen iskudayo badan oo lagu raadinayo is-afgarad buuxa Soomaalina dani ugu jirto in jaalliyadaha dibaddu islagaadhan walina arrintaas waa mid ka go’an labadan jaalliyadood ee walaalaha ah.
Xagalo geel wax gunti lagaliyo kaweyn:
Taarrikhdu waa wax qoran oo aan laduudsiin karin meesha ay leedahay, waxaa Soomaali kadheregsan tahay dadaalada Soomaalinimo ee jaalliyadahani ugaleen sidii khilaafaadka looga fogaan lahaa dalkii iyo dadkiiba wax muuqda loogu qaban lahaa. Hase-ahaate markii xal waara laraadinayo wax lawada leeyahayna lasameynayo waxaa daruuri lagama maarman ah in wada hadal, iswaraysi iyo wadatashi laga hormariyo talaabo kasta oo danta iyo magaca dadka oodhan wadata. Si khilaafaadka iyo kala shakiga looga fogaado muhiim ah in go’aankasta oo laqaadanayo dhinacyo badan laga eego lana hubiyo in uu waxtar iyo dhaxal waara u leeyahay ummadda, iyo in uu waafaqsan yahay duruufaha waaqiciga ah ee kajira jaalliyadaha dibadda dhexdooda.
Danaha qarsoon ee laga lahaa shirkaas fashilmay:
Waxaa ujeedka ugu weyn ee kulankan ahaa in lasamaysto dalad huwan magaca jaalliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda si looga qaybgalo shirarka Soomaalida iyo kuwa danaha Soomaalida
looga hadlo. Shirku niyada kuma hayn wax Soomaali iyo Jaalliyadaha midkoodna manfac iyo dhaxal uleh, sidaas awgeedna jaalliyadahan waxaay u arkaan nasiib daro iyo ayaan daro horleh oo lagu kalaqaybinayo laguna kala fogaynayo jaalliyadaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah.
Sidaas awgeed, waxaa labadan jaalliyadood ee walaalaha ah faalayn badan oo ku aadan shirkaas shikhsiyaadu qabsadeen kadib go’aan saden sidan:
1: In jaalliyadaha Puntland iyo Jubbaland ee Yurub iyo Waqooyiga Ameerika aysan aqoonsanayn una hoggaansamayn qodobadii iyo guddoonkii kasoo baxay shirkii 22 bishan kusoo dhammaaday magaalada Istanbul ee wadanka Turkey.
2: In shikhsiyaadkii kaqaybgalay shirkaas aysan kamid ahayn jaalliyadaha deegaanada ee hore uga jiray dibadda islamar ahaantaana aan cid wakiilatay una igmatay kaqaybgalka kullankaas aysan jirin sidaas awgeedna aysan sharciyad jaalliyadahooda kahaysan.
3: Shirkaasi in uu ahaa mid dano gaar ah laga-lahaa una afduubnaa ururo qabiil iyo shikhsiyaad nacayb iyo xiqdi hore ugu caanbaxay, lagana rajo qabin wax wanaag ah oo ay ummadda Soomaaliyeed u horseedaan.
4: In jaalliyadahan Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya aqoon-yahanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ay u hawlgali doonan sidii shir loodhan yahay kana salbalaadhan kan fashilmay ay abaabulidoonan si jaalliyadaha dibadda ee Soomaaliyeed loo siiyo fursan ay kugorfaynayaan kuna dhisanayaan jaalliyad oo dhanyahay ujeedkeeduna yahay midaynta maskaxda ,muruqa iyo maalka qurbo joogta Soomaaliyeed.
5: In shirkaasi kadhicidoono gudaha dalkii meesha iyo wakhtigana dib laga soo sheegidoono.
Soosaarayaasha war-saxaafadeedkan:
Guddoomiyaha jaalliyadda Puntland ee UK: Pro Cabdiqaadir Faarax Jibriil Abdulkadir51@live.com
Guddoomiyaha golaha qurbajoogta Jubbaland (JDF): Mudane Cumar Yuusuf Qaladiid Qaladiid@outlook.com
Guddoomiyaha ururka SAHAL Mudane Cabdirashiid Daahir Axmed Sahalinfo@yahoo.com Sahalinfor@gmail.com
Guddoomiyaha dhallinyarada iyo ardayda jaamacadaha ee reer Puntand ee wadanka UK
Mudane Maxamed Suldaan Siciid Cismaan Suldaanz@hotmail.com
Allaa Mahad iska leh