Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Puntland oo Wakiil usoo magacowdey Scandinavian-ka iyo Wakiilka oo Stoclholm lagusoo dhaweeyey

$
0
0

Stockholm–23 Juun 2014–Pi– Jaaliyada Puntland ee Stockholm ayaa xaflada soo dhaweyna waxay u sameeyeen Wakiilka Cusub ee Dowlada Puntland usoo dirsatey Scandinavianka Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo) fadhigiisuna noqon doono Caasimada Sweden ee Stockholm.

Xaflada ayaa waxaa hadalo dhaxal gal ah ka so jeediyey Aqoonyahano uu hor kacayo Dr Khaliif Bile taas oo uu hoosta ka xariiqay in loo istaago sidii loo horumarin lahaa deegaanadaas isla markaasna gacan looga geysan lahaa, waxaa sidoo kale ka hadlay waxgaradka ku dhaqan magaalada Stockholm.

Ugu danbeyntii waxaa goobtaas hadal dheer ka soo jeedshay wakiilka Puntland Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil oo sheegay in uu ka shaqeyn doono isku xirka qurbe joogta iyo Puntland sidoo kalana kaalin muuqata ka geysan doonaan horumarinta dhul udug.

Ambasador Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo) oo Dowlada Puntland usoo magacawdey Wadamada Sacndinavianka ayaa Puntland wakiil uga noqon doona wadamada Sweden. Denmark iyo Norway wuxuuna u shaqaynayaa sidii Ambasador wadan soo dirsadey, waxaa kaloo shaqadiisa kamid noqonaysa iyadoo Masuuliyiinta Jaaliyadaha Wadadamaan ay sitoosa u hoos imaan doonaan Safiirka oo fadhigiisu yahay Stockholm.

Sawirada hoos ka daawo

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles