London–23 Juun 2014–Pi– Kadib markii Dowlada Ingiriisku ay go’aan satay in qaadka manuuc laga dhigo laga bilaabo 24 juun 2014 ayaa maalmahaan waxaa gabaabsi galay Qaadkii lagu gadayay suuqyada qaadka ee Yurubta Galbeed, iyadoo labadii todobaad ee lasoo dhaafay uu qiimaha jaadku laba jibaarmay, maalinba maalinta ka dambeysana uu qiimihiisu sii kacayay ilaa laga gaaray in suuqaba laga waayo qaad.
Wadanka Ingiriiska oo qura ayaa qaadku sharci ka ahaa sanadihii lasoo dhaafey, iyadoo Wadamada uu sharci darada ka yahayna si dhuumasho ah looga soo galin jiray dhinaca Ingiriiska.
Dowlada Ingiriiska ayaa dhowaan waxay go’aan ku gaareen iney Qaadka joojiyaan, wuxuuna sharcigaan hirgalayaa maalinta Talaadada 24 Juun 2014.
Iyadoon la gaarin 24 juun ayaa durba Qaad cunayaashu waxay dareemeen Qaad la’aan xoogan oo saameysey suuqa.
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Yurub ayaa aad usoo dhaweeyey go’aanka ay Dowlada Ingiriisku ku manuucdey Qaadka.
Abuukar Cawaale oo looyaqaan Qaad Diid ayaa sanadihii lasoo dhaafey wuxuu u ololaynayay in Qaadka laga manuuco Dalka Ingiriiska tasoo uu guul wayn ka gaarey, Cawaale wuxuu sheegey in Joojinta qaadku ay guul u tahay shacabka Soomaaliyeed ee Qurbaha, wuxuu intaas raaciyey inuusan sugi karin 24 Juun oo ah maalin farxadeed
Puntlandi kala soco Saameynta uu ku yeelanayo Dadka Qaadka cuni jirey ,arka la gaaro 24 juun.
Puntlandi.com