Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Jaaliyadaha Hawiye Action Gruope oo shir uga socdo Turkiga, Maxay tahay u jeedadu?.

$
0
0

Jaaliyada Hawiye ee Qurbaha ayaa Shir uga furney Dalka Turkiga shirkasoo loo galiyey shaar ah inuu yahay mid lagu mideynayo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha.

Sida ay Puntlandi wararka ku hayaan Shirku waa mid lagu qaldayo deeq buxiyaasha caawiya Soomaaliya iyadoo ay Hawiye Action Groupe ay shirka ku sheegeen in ajandihiisu yahay in Qurba joogta loo sameynayo Dalad ay ku mideysan yihiin.

Waxaa kaloo cajiib ah in Daladaas shirka ka hor Magaceeda lagu soo sameeyey Muqdisho,Magacaasoo ah SOMALI GLOBOL DIASPORA.

Horey waxaa loo boobey oo malaayiin dollar lagu cunaa magacyadii Jeneraaladii Soomaaliyeed, Ururadii qaranka Soomaaliyeed sida Ururka Haweenka , Ururada Ciyaaraha Soomaaliyeed, Ururada Bulshada oo noocyo badan ah, Ururada wax soosaarka Soomaaliyeed iyo wax walba oo mood iyo nool muunad iyo maamuus soomaliyeed lahaa.Somalidu waxaa murtideeda ka mid ah; Mayd kaa la sii sido ayaa u danbeeya. Boob, dil, kufsi iyo baro kicin waxaa hadda lagu hayaa shacbiga Soomaliyeed ee ku dhaqan Shabeelada hoose, cid ka naxaysa oo maamuul dawladeed ah ama diaspora ah oo ka hadalaya ama u jiir damqanya la ma hayo.laakiin waxaa aad loogu takhasusay ruwaayadaha beenta iyo khiyaaliga ku dhisan ee dhaqaalaha beesha caalamka looga tuugsado ee lagu magacaabo ( Somaali aa la mideynaa)

Boobka noocaan ah qaar dhaqaale ayaa lagu cunaa, qaarna dano siyaasadeed baa loo adeegsadaa.

Qurba joogta Soomaaliyeed waxay u qaybsamaan oo ugu weyn

1- Qurba joogta Puntland
2-Qurba joogta Soomaaliland
3-Qurba joogta Jubaland
4-Qurba Joogta Koonfur galbeef
5-Qurba joogta Hawiye

Shirka ka socda Turkiga ee Hawiye Action Gruope waxay ku sheegeen iney mideynayaan jaaliyadaha Soomaaliyeed laakiin miyeysan ogeyn iney dhamaaatey xiligii la qaldi jirey shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka.

Waxaa xusid mudan in kulanka Hawiye action Gruope uga socda Turkiga ay ku casumeen dhowr shaqsi oo ka baxsan iyaga kuwasoo ay afka u mariyaan dufanka Turkiga iyo beesha caalamka laga xoq xoqanayo.

Puntlandi
Istanbul


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles