Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Kulan Oslo ku dhexmaray Rugta Ganacsiga Puntland iyo Rugta Ganacsiga Norway

$
0
0

Logo_mindrekant
Oslo 16/06/2014, waxaa maanta magaalada Oslo kulan ku wada yeeshay Oslo Chamber of Commerce (OCC), International Chamber of Commerce faraca Norway (ICC) iyo Puntland Chamber of Commerce (PCC). Kulankaas oo ujeedkiisu ahaa inay is-bartaan rugahaan ganacsi, is-waydaarsadaan khibradaha iyo qaababka ay u wada shaqeyn karaan mustaqbalka dhow iyo midka fog iyo sidoo kale fursadha ganacsi.

Dhanka Puntland (PCC) waxaa ka socday Maareeyaha Guud ee Rugat Ganacsiga Puntland (Puntland Chamber of Commerce) Saciid Xuseen Ciid , Maxamed Saciid oo kamid ah ganacsatada katimid Puntland ee kasoo qayb gashay shirkii maalgashiga ee kadhacay Stockholm 10.juni 2014 iyo Eng. Mukhtar Qoransay oo ahaa iskuxiraha labada chamber dhanka Norway. Dhanka OCC iyo ICC waxaa kasocday Lars Kåre oo ah Maareeyaha Guud ee Rugta Ganacsiga Norway OCC, Astri Platou oo qaabilsan qaybta Internationalka iyo Lisbeth oo Norway u fadhida Rugta Ganacsiga Caalamka ICC, Waxayna isla meel dhigeen qaabka ay mustaqbalka u wada shaqeyn karaan iyo fursadaha maalgashi ee guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland.

Sidoo kale, Saciid Xuseen Ciid waxaa magaalada Oslo kusoo dhaweeyay oo qado sharaf u fididyay qayb kamid ah odayaasha & waxgaradka magaalada, arinkaan oo uu oday ka ahaa Eng. Maxamuud Buraale
ChamberOfCommerse

Sawirkaan hoose waa Soo dhaweyntii Wafdiga Puntland(Qado sharaf)
shirQado


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles