Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faahfaahin– Dagaal ka dhacay Deegaanka Meegaagle, iyo Beelo reer Puntland oo Deegaan ka ah oo ka difaacay Masuuliyiin iyo Isimo uu Cali Khaliif Galayr kamid yahay oo Maleeshiyo taabacsan Soomaaliland ay baacsanayeen

$
0
0

cali khaliif galayr
Wararka rasmiga ah oo Puntlandi ka soo ururshey breaking nesDeegaanka Meegaagle ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Dagaal shalay ka dhacay Deegaankaas uu ku salaysnaa ka dib markii Deegaanka ay isla soo galeen Maleeshiyo reer Sool ah balse taabacsan Soomaaliland oo baacsanayay Masuuliyiin iyo Isimo ay kamid ahaayeen Cali Khaliif Galayr.

Dadka Deegaanka Meegaagle ayaa durba qoryaha boobey oo Isimadii iyo Masuuliyiintii ka reebey Maleeshiyadii baacsanayay, waxaana goobta ka dhacay Dagaal faraha la isula tagey, Waxayna Dadka Deegaanku ku Guuleysteen iney difaacaan Masuuliyiintii laga soo baacsadey Taleex oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr iyo Sagaal Isin.

Maleeshiyadii taabacsabneyd Soomaaliland 9 ayaa laga diley Afarna nolol ayaa lagu qabtey ay laba dhaawac tahay, Illaaladii Cali Khliif iyana 5 ayaa ka dhimatey, Dadka deegaanka Meegaagle waxaa ka dhintey Hal nin.

Shacabka Deegaanka ayaa xalay Marti Galiyey Masuuliyiintii ka yimid Taleex ee Cali Khillf hogaaminayay, waxaana saaka loo amba bixiyey Deegaano ka tirsan Gobolka Sool, iyagaana codsadey sidaas.
Odoyaasha Deegaanka ayaa markii hore isku deyey in Masuuliyiinta loo gudbiyo Buurtinle si halkaas loogu marti sooro ayna u joogaan inta xaalka Gobolka sool degayo balse sida aan warka ku helney Xildhibaan Cali Khaliif ayaa doorbidey iney joogaan deegaankaan, subixiina u dhaqaajiyaan Meelo ka tirsan Sool, Waxaana saaka lagu darey 30 nin oo hubeysan oo dadka Deegaanka ah oo Gaarsiiya Masuuliyiinta meesha ay u socdaan.

Puntlandi.com
Buurtinle


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles