Stockholm–12 Juun.2014–Pi– Shirkii Maalgashiga iyo Ganacsiga soomaaliya looga hadlayay ee lagu qabtey Sweden ayaa guul ku soo dhamaadey iyo Qabanqaabiyayaasha shirka ay sheegeen iney ka gaareen ujeedkii laga lahaa shirka oo ay ugu wayneyd isku xirka Soomaaliya iyo Shirkadaha Sweden ee Danaynayay iney Maalgashadaan Soomaaliya.
Shirka Waxaa ka qaybgalay Wafdiyo ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya, Puntland, Soomaaliland iyo Jubaland iyadoo Qola walbaa ay soo bandhigeen fursadaha maalgashi ee ka jira deegaankooda, Dowlada Puntland oo si aad ah loona riyaaqay uga dhexmuuqatay shirka ayaa soo bandhigey Fursado aad Qaali u ah oo ay u riyaaqeen kasoo qaybgalayaashii shirka iyo Shirkadaha Sweden ee shirka kasoo qayb galay.
Soomaaliland ayaa iyana soo bandhigey fursado dhowra oo soo jiitey indhaha shirkadaha kasoo qaybgalay shirka iyadoo Jubaland ay si lama filaan ah usoo bandhigeen dhinacooda fursadaha ka jira Jubaland.
Ganacsato ka socdey Muqdisho ayaa iyana dhinacooda daahfuray mashaariic dhowra oo maalgashi oo ka jira Muqdisho, Waxayna tilmaameen khudbadohoodana ku fureen in Muqdisho tahay Caasimada Soomaaliya loona baahan yahay in iyada laga bilaabo Maalgashiga. *Laakiin Shirkadaha Sweden waxay aad u danaynayeen Deegaanada dhinaca amaanka ku wanaagsan Maalgashiga.
Sawiradaan hoose waa Wafdigii Puntland uga qaybgalay Shirka oo uu hogaaminayeen Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Puntland Mudane Cali Axmed Faatax iyo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshada Puntland Mudane Siciid Xuseen Ciid