Image may be NSFW.
Clik here to view.
Bosaso–8 juun,2014–Pi– Wafdi ka socda Dowlada Turkiga oo uu hogaaminayo Qunsul ku xigeenka safaarada DowladdaTurkiga ee Soomaaliya ayna kamid yihiin Ganacsato iyo Wakiilo ka socda Shirkado khaasa balse u shaqeeya Dowlada Turkiga (Contracters) ayaa maanta kusoo wajahan Magaalada Bosaso, waxayna Wafdigu la kulmi Doonaan Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Sida ay sheegayaan wararka ay helayso warbaahinta Puntlandi xafiiskeeda Bosaso, wafdiga Turkigu ayaa marka ay yimaadaan Bosaso waxay dhagax dhigidoonaan Mashaariic ay horey ay uga Wada hadleen labada Dowladood kaasoo wajigiisa kowaad laga bilaabayo Magaalada Ganacsiga Puntland.
Faahfaahinta iyo Sawirada Imaatinka Wafdiga Turkiga kala soco Wararkayaga Dambe