Waxa dhawaan ka furmaya Caasimada Sweden ee Stockholem Shir Caalami ah oo ay soo qabanqaabisey Wasaarada arimaha dibada ee dalka Sweden,Shirka waxaa cinwaankiisu yahay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee Somalia ka jira,Shirka waxaa lagu wadaa inay ka qaybgalaan wufuud ka imaanaysa qaybaha kala duwan ee Somaliya,dhinaca Puntland waxaa shirka u matali doono Wafdi balaaran oo ganacsato ah oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshada Puntland Siciid Xuseen Ciid iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Cali Axmed Faatax.
Shirkaan oo ah kii ugu weynaa ee noociisa ah marka loo eego kasoo qaybgalka ee Yurub lagu qabto waxaa
diirada lagu saarayaa horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha iyo fursadaha maalgashi ee ka jira dalka Soomaaliya,Shirka ayaa waxaa waxaa lagu wadaa inay kasoo qaybgali doonaa ergooyin kor u dhaafaya 200 ergo oo iskugu jirta soomali iyo ajaanib ka socda Shirkado iyo maalgashadayaal kala duwan oo danaynaya fursadaha dhaqaale iyo ganacsi ee ka jira Soomaaliya.Wafdiga Puntland ayaa hada kusii jeeda dalka Sweden iyagoo dhawaan ka ambabaxay dalka.
Waxaa kale oo la filayaa inay masuuliyiintaasi ay kulamo la yeeshaan Jaaliyadaha Puntland ee ku dhaqan carigaas.