Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweyne xasan Sheikh oo Magacaabey Taliyaha Maxkamada sare ee Ciidanka

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya xasan Sheikh Maxamuud ayaa magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida isagoo jagadaas u magacaabay G/Sare Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

hoos ka akhriso Wareegtada Madaxweynaha

Magacaabid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee CQS

MADAXWEYNAHA J.F.S.,

Markuu Arkay: Qodobka 87, Faqradda 2aad ee Dastuurka J.F.S.

Markuu Arkay: Xeer Lr. 15 ee soo baxay 6da Abriil 1960 kuna saabsan Dhismaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kadib Markii: Ay bannaanaatay Jagada Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee CQS

Markuu Arkay: Soo jeedinta Wasiirka gaashaandhigga Lr. WG/088/14, taariikh 23/04/2014

Markuu Tixgeliyay: Aqoonta uu leeyahay sarkaalka la magacaabayo

Wuxuu soo saaray Xeerkaan: Qodobka 1aad

Waxa G/Sare Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare (C.raxman Cumda) loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee CQS

Qodobka 2aad Waxa uu Xeerkaan dhaqangalayaa marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya.

Waa nin nooce ah guddoomiyaha cusub

Guddoomiyahani cusub G/Sare Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare (C.raxman Cumda) waxaa uu ka soo mid noqday hey’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka xilal kale duwana ka soo qabtay oo ay ka mid yihiin hogaanka Arrimaha dibadda, hogaanka baarista dambiyada,hogaanka tababarada iyo qorsheynta, waana nin qaanuunka dowliga ah Master digree ka heysta, isagoo ku soo bartay dalka Masar, haddana waxa uu diyaarinayaa darajada PHD.

Soomaaliya ayaa lugu dhaliila inusan jirin garsoor wanagsan,waxaana xilligaan looga fadhiya guddoomiyaha cusub sidii uu dadaal ugu galilahaa hirgalinta garsoorka dalka oo loobahan yahay in la marsiiyo ciidanka dowladda ka tirsan ee qaladaadka gala.

Waxaa horay xilka guddoomiyaha maxkamada ciidanka qalabka sida u hayey  guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xassan Maxamed Xuseen(Mungaab).


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles