Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Shir looga hadlayo horumarinta siyaasada dhallinyarada Puntland oo lagu qabtay Garowe.‏

$
0
0

Garowe- 12 may 2014–Pi– Wasaarada shaqada , shaqaalaha , dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa maanta furtay shir labo maalin soconaya oo lagu dar dar galinayo siyaasada dhallinyarada Puntland ee taabanaysa dhinacyada kala duwan ee nolashooda.

Shirkaan ayaa lagu casuumay wasiiro katirsan dowladda Puntland, wakiilo matalayay hay’addaha caalamiga iyo kuwo maxaliga ah oo ay wasaaraddu ugu yeertay inay aragtiyadooda ku biiriyaan sida lagu hormarin karo mustaqbalka dhallinyarada Puntland.

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Puntland C/Raxmaan Sheikh Axmed Cabdulle oo shir jiraa’id saxaafada u qabtay ayaa sheegay inay ka rajeynayaan isu imaatinkaan inuu kasoo baxo macluumaad dhab ah oo lagu ogaanayo taageerada hay’adaha caalamiga ah ee ku wajahan xirfad u abuurida dhallinyrada si loo dhiso aayahooda dambe.

Dhinaca kale wasiirka ayaa hambalyo u diray dhallinyarada Soomaaliyeed oo u diyaar garoobaysa xuska 15 may oo ku aadan maalintii la aas aasay ururkii dhallinyarada xurnimo doonka Soomaaliyeed ee SYL, sanadkii 1943.

Wasiirada horumarinta haweenka iyo arimaha bulshada ee qoyska Aniso C/Qaadir Xaaji Muumin ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin inay wasaaradda ku garab istaagan yihiin sidii kor loogu qaadi lahaa horumarinta waxbarasho , mida siyaaasadeed, mida dhaqaale iyo mida shaqo.

Hay’adda UNFPA ayaa shirkaan ka taageeraysa dhinaca dhaqaalaha. Waxayna horey gacan uga geysatay shirar badan oo looga hadlayay horumarinta dhallinyarada.
DSCN9911

DSCN9912

DSCN9913

DSCN9914

DSCN9915

DSCN9917

DSCN9918

DSCN9919

DSCN9920

DSCN9921

DSCN9922

DSCN9923

DSCN9924

DSCN9925

DSCN9927

DSCN9928

DSCN9930

DSCN9931

DSCN9932

DSCN9937

DSCN9939

DSCN9940

DSCN9941


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles