Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xog iyo Faahfaahin+Video– Sababta ay Hargeysa u tageen Koox Odoyaal ah oo Muqdisho ka tagay

$
0
0

Warbaahinta Puntlandi ayaa heshey xogta rasmiga ah ee ka dambeysa iney Odoyaal Reer Muqdisho ah oo ay hogaaminayaan Oday xaad iyo Axmed Diiriye ay tagaan Hargaysa.

Sida aan Xogata ku helney Dowlada Turkiga oo hogaaminaysay Wadahadaladii Maamulka Soomaaliland iyo Dowlada Federaalka ayaa waxay bixisey lacag gaaraysa 2 Milyan oo Doolar, lacagtaas waxaa loogu tala galay in laga shaqeeye isusoo dhowaan shaha iyo isdhexgalka Shacabka Soomaaliyeed ee Degan Soomaaliland iyo Soomaalida kale, waxaa barnaamijka qayb ka ah in ay wada hadlaan wadana xiriiran shacabka dhexdiisa.

Hadaba lacagtaas ayaa waxaa si hoose ukala qaybsadey Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliland Xirsi Cali Xaaji Xassan iyo Wasiirka Amniga Dowlada Federaalka ah Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Si lootuso Dowlada Turkiga in lacagtii ku baxdey wadadii loogu tala galay ayaa Muqdisho laga abaabuley koox kontomeeye ah oo lagu sheegey Odoyo dhaqameed kuwasoo Hargeysa loo diray.

Sida cad Odoyaasha la direy waa beesha Madaxweynaha oo qura, kumana jiro Odoy dhaqameed matala beesha uu ka dhashey.

Axmed Diiriye waa Saleebaan, beeshiisan uma ahan Oday dhaqameed, sidoo kale Maxamed xasan Xaad waa Murursade beeshiisana uma ahan Oday dhaqameed, kooxadaan waa Qawlaysato Odoyaal ah oo ka shaqaysta Muqdisho.

Hoos ka Daawo Maxamed Xaashi oo ka hadlar arintaan.


puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles