Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Sawiro) Gaalkacyo oo xalay roobab ka da’een

$
0
0

Gaalkacyo- May 08-2014- Waxaa Habeenkii Xalay ahaa ay Raxmada Eebe ay ka
Hoortay Magaalada Gaalkacyoo, ee Gobolka Mudug, iyadoona Roobka lugu
diirsaday.

Raxmada Eebe ayaa Biyo dhigtay Wadooyinka Degmada Gaalkacyo, waxaana
Shacabku ay aad ugu Farxeen Raxmada Eebe Xili Maalmihii ugu dambeeyay
Jawiga Caasimada Gobolka Mudug uu ahaa mid Kulul.

Kusimaha Duqa Degmada Galkacyo ahna Kuxigeenka Duqa Yacquub Maxamed
Cabdalle ayaa Isla Xalay Kormeero ku tagay Goobo Muhiim ah oo ku Yaal
Magaalada Gaalkacyo, isagoona Booqday Biyo Booliyo Maalmihii ugu Dambeeyay
lugu Hawlanaa Furistooda iyo Sida ay Biyuhu ugali lahaayeen.

Ku Simaha Duqa Mudane Yacquub Maxamed ayaa Tagay Meelo ka mid ah xaafdaha
Garsoor , Israac & Hormar Halkaas oo uu Kormeer rasmi ah ku Tagay Goobaha
Buhu Fadhiyaan iyo Biyo Booliyada Magaalada kuwooda ugu waawayn Waxaana
Socdaalkaan Kuxigeenka Duqa Gaalkacyo ku Wehelinayay Saraakiil ka Tirsan
Dawlada Hoose Degmada & Xildhibaanada Golaha Deegaanka Xubno ka mid ah.

Yacquub ayaa intuu uu ku Marayay Kormeerka xaafdaha Kala Duwan ee Degmada
Gaalkacyo ayuu Warbixino ka dhegystay Shacabka & Waliba Saraakiisha Arimaha
Bulshada u Qaabilsan Degmada Waxaana uu ku dhiiro galiyay sii wadida
Hawlaha Bulshada Gaalkacyo loogu adeegayo.

” waxaa Idin ku dhiiro galinayaa Hawsha aad umada u Haysaan waana tan aan
Xiligaan aan u jeclaystay inaan Iidn kal soo qaybgalo Maadaama aad
Shaqaynaysaan Roobkii oo Da’aya waxaana idiin balanqaadayaa Inaan aniga &
Duqa Xildhibaanada Golaha Deegaankuba Shaqada idin la qaybsano” Ayuu Yiri
Ku xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo.

Dhinaca kale Mar uu Bulshada Fariin u dirayay ayuu ugu Baaqay inay Hawlaha
Socda ee Magaalada Wax looga Badalayo ka qaybgalaan, waxaana uu inatasi
raaciyay Inay Gaalkacyo Waddaii Hormarka Cagta Saartay.

” Bulshadu Hadii ay arki Jireen Sacado kooban oo Maalinta laga Shaqeeyo
Waxaan ugu Bishaaraynayanaa aniga & Duqa iyo waliba Xildhibaanaduba Waxaan
Diyaar u nahay inaan Shaqayno 24 Saac waxaana ku rajo waynahay in aad
idinkuna nala shaqaynaysaan Sida Gaalkacyo ula Tartanto Magaalooyinka Kale
ee Puntland & guud ahaanba Dalka,, Ayuu yiri Yacquub oo hadalkiisa sii wata.

Waa Markii ugu Horaysay Inta la ogyahay oo Maamulka Degmada Gaalkacyo ay
Xili Habeen ah ka qaybgalaan Olale Socda kaas oo Biyaha Magaalada Meelihii
ay mari Jireen lugu Furayo, Waxaana Docda Kale Shacabka Hareeraha Wadada
Isticmaalaya ay ku hadaqayeen in ay soo dhawaynayaan Shaqada Socota.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

www.puntlandi.com.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles