Arbaca 07, 05, 2014 Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Dawladda Yemen ayaa shalay kulan qado sharaf ah loogu sameeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafidiga uu hogaaminayey.
Kulankaas qado sharafta ee ka dhacay Wasaaradda Gaashaan-dhiga ee Dawladda Yemen ayaa waxaa kaloo lagu casuumay wasiiro kala duwan iyo saraakiisha amaanka ee Dawladda Yemen.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa madaxda Dawladda Yeman uga mahad celiyay kulanka qado sharafta ah ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey.
Madaxda Dawladda Yemen ayaa dhankooda uga mahad celiyay Madaxweyne Gaas iyo wafdigiisa booqashada ay ku tageen dalka Yemen.
Madaxweyne Gaas iyo dhamaan xubnaha wafdigiisa ka mid ah ayaa markii uu kulanka qada sharafta ahi soo dhamaaday waxaa la gudoonsiiyay hadiyado kala duwan oo ay Madaxda Dawladda Yemen ugu tala galeen Madaxda Dawladda Puntland.
Xafiiska Warfaafinta ,Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.