Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdiga la socda oo wali ku sugan Dalka Yemen ayaa maanta lakulmey Raysal Wasaaraha Dalka Yemen Mudane Mohamed Basindawa, Raysal wasaaraha ayaa aad u soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland iyo Wafdigiisa.
Kulan wakhti dheer socdey ayaa lagu gorfeeyey Arimo dhowra oo ay kamid ahaayeen Xiriirka Puntland iyo Yemen ee soo jireenka ah Shacabiyan iyo Dawliyan, Isbedelada ka dhacay Puntland iyo Yemen, Arrimaha Amniga, Ganacsiga Puntland iyo Yemen, Siyaasadda iyo in labada dhinac waa Puntland iyo Yemen ay isdhaafsadaan Dublamaasiyiin kala fariista labada Dal (Consulate Offices).
Madaxweyne Gaas wuxuu saacadaha soo socda la kulmi doonaa dhigiisa Yemen.