Jaaliyadda Reer puntland iyo jubbaland Ee Ku Dhaqan Dalka Norway, Gaar Ahaan Magaalada Oslo Ayaa Xaflad Soo Dhaweyn Ah Oo Si Heer Sare Ah Loo Soo Agaasimey u Qabatay duqa dagmada gaalkacyo. Cabdicasiis Jaamac Nugaal iyo ku xigeenkiisa Xafladdan Oo Ahayd Mid aad u balaaran Ayaa Waxa Badiba Ka Soo Qayb Galay Dad Tiro Badan Oo Isugu Jirey Dhammaan Qaybaha Kala Duwan Bulshada Iyo Hal Doorka Reer puntland iyo jubaland Ee Ku Dhaqan Magaalada Oslo Iyo Nawaaxigeeda.
Waxaana Wejiyada Dadka Laga Dheehanayey Farxad Iyo Ray Rayn Iyo Sida Ay Ugu Faraxsan Yihiin In magaalada gaalkacyo yeelato gole deegaan mar kale mudo dheer ka dib, Xafladdaas Oo Ku Soo Dhammaatay Jawi Aad U Qurux Badan, waxaa xaflada Qadka lelefoonka ka ga soo qabgalay duqa dagamada Gaal kacyo C/casiis Jaamac Nugaal isaga oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo waxaa dad kii xafladaas ka hadlay ka mid ahaa
Garaad saalax axmed jaaliyada jubbaland, cali baadiye jaaliyada jubbland iyo suldaan Mursal jaaliyada puntland
Waxaa kaloo iyana khudbada ka jeediyey Engineer Buraale, cabdiraxmaan sanyare, xasan abshir gaas, Nabadoon maxamed cali qood, cabdi salaad ( cabdi dheere ), Aqoonyahan maxamud qaalib iyo Nabdoon Burhaan maxamed xandule.