Qarax goor dhaweyd ka dhacey Nr.4 Magaalada Muqdisho oo Ismiidimis ahaa ayaa lala beegsadey Xoghayihii hore Gobolka Banaadir oo lagu magacaabi jirey Cabdikaafi Hilowle Maxamuud, sida aan warka ku helneyna Cabdikaafi isla goobta ayuu ku naf baxay.
Qaraxa oo ahaa mid uu fuliyey qof naftii halige ah oo wata Gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyey gaariga uu watey Xoghayaha iyo illaaladiisa.
Wararku waxay kaloo sheegayaan in qaar kamid ah illaaladiisa iyo dad shacab oo ay tiradoodu gaarayso 10 qof in ay qaraxaa ku nafwaayeen.
Dhinaca laamaha amaanka Muqdisho wali kama aysan hadal qaraxa.
Puntlandi.com
Muqdisho