Adis ababa–2 May 2014–Pi– Warar Dublamaasiyadeed oo ay Howlwadeenada Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Kulan Qorsheysnaa inuu Adis ababa ku dhex maro Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh iyo Xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka John Terry la baajiyey ka dib markii Dowlada Mareykanku ay si cad u hor istaagtey kulankaas.
Sida aan warka ku helney Wakiilka Dowlada Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa shalay Madaxweyne Xasan ku wargaliyey in la baajiyey Kulankii uu Adis ababa kula kulmi lahaa John Terry, iyadoo xiliga Madaxweyne Xasan la war galiyey uu joogay Villa Soomaaliya wuxuuna Madaxweynuhu isu diyaarinayay inuu u duulo Adis Ababa si halkaas uu ugula kulmo Wasiirka Arimaha Dibada USA John Terry.
Lama oga sababta ay Dowlada Mareykanku u baajisey kulankaan horey loo shaaciyey.
Dhinaca kalena Kulan looga arinsanayay Arimaha Soomaaliya ayaa Wasiirka Arimaha Dibada Mareykanka John Terry uu arbacadii Adis ababa kula yeeshey Wasiirada Arimaha dibada Wadamada Itoobiya, Kenya iyo Uganda, Kulankaana waa laga qadiyey inuu ka qayb qaato Wasiirkeena Arimaha Dibada.
Tan iyo markuu xumaadey Xiriirka Villa Soomaaliya iyo Wadamada Dariska ayaa waxaad moodaa in hada ay siyaasadii Arimaha Dibada ee Dowlada Federaalku ay ceel kusii dhaceysay, talaabada Mareykanku ay maanta qaadeena waxay muujineysaa in mugdi soo kala dhex galay labada dhinac.
Puntlandi.com
Adis Ababa