Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Dhagayso Cali Xaaji Warsame oo ka warbixinaya shirkii Bahar Daar , sheegeyna inuusan jirin kulan dhexmaray Puntland iyo Somaliland aan ka ahayn isa salaamid

$
0
0

Wasiirka Waxbarashada Puntland Mudane Cali xaaji Warsame oo xalay u waramay Radio daljir ayaa si buuxda uga warbixiyey shirkii ay uga qayb galeen Itooniya, iyo nuxurkii shirka, Mudane CaliCali Xaaji Warsame xaaji waxaa kaloo waxlaga Waydiiyey Kulan uu Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland uu sheegey inuu dhex maray Madaxweyne Gaas iyo iyaga, wuxuuna Cali xaaji hoosta ka Xariiqey in hadalka Wasiirada Soomaaliland uu ahaa mid ka fog dublamaasiyada, waayo Wax kulan ah oo dhexmaray labada dhinac ma jirin.

Wasiirku wuxuu yiri “Dadku waa dad Soomaali ah hadee hadii goobahaasoo kale la isku arka waa la isa salaamaa, kulanka ay sheegayaan saas uun buu ahaa, waan isa salaaney hoolka shirka waa la isku arkey, ma jiraan kulan Puntland iyo Soomaaliland uga wada hadeleen danahooda, H.”
Wasiirku wuxuu kaloo yiri “hadaladaas waa kuwo ka fog Dublamaasiyada, inaan is aragney ma qarsoona oo waa lawada qadeynayay, kafee waa lawada cabayay, waana isasalaaney LAKIIN Wax shir ah oo aan wada yeelaney ma jirin. “
Hoos ka dhagayso Waraysiga Wasiirka , Barnaamijku wuxuu ku bilaabanayaa Hadalkii Soomaaliland waxaana ku xiga Hadalka Wasiirka Waxbarashada Puntland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles