Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

WARBIXIN+SAWIRO :- Duqa Degmada Gaalkacayo Iyo Ku Xigeenkiisa oo Maanta La Doortay.

$
0
0

Jimce 18, 04, 2014 Xildhibaanada golaha deegaanka magaalada
Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta si rasmi ah u doortay
duqa degmada Gaalkacayo iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo kala ah
Cabdi-casiis Max’ed Guuleed “Nugaal” oo noqday duqa degmada Gaalkacayo
halka ku xigeenkiisana loo doortay Yacquub Max’ed Cabdalla.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Gaas iyo qaar ka
mid ah golayaasha dawladda ayaa ka qayb galay munaasabadda doorashada
maamulka Gaalkacayo, taasi oo ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta
Xaawo Aadan.

Doorashada duqa degmada ee magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa ku
tartamayay sadex xildhibaan oo kala ah C/llaahi Cabdi-weli
Gabayre,Xasan Max’ed Khaliif iyo Cabdi-casiis Max’ed Guuleed “Nugaal”
Wareegii kowaad ee doorashada waxaa ku tartamayay sadexdaasi musharax,
waxaana wareega labad u gudbay musharax Cabdi-casiis Max’ed Nugal iyo
musharax Xasan Max’ed Khaliif,
Wareegii ugu danbeeyey ee doorashada duqa degmada ee magaalada
gaalkacayo ayaa waxaa ku guulaystay Cabdi-casiis Max’ed Guuleed
“Nugaal” oo helay 15-cod, halka Xasan Max’ed Khaaliifna uu helay
11-cod, iyadoo uu xumaaday 1-cod.

sidoo kale ku xigeenka duqa magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa
utartamayay Yacquub Max’ed Cabdalla iyo Cabdi Cismaan Faarax “Ciiro”
iyagoo kula kabxay codad dhan 19-cod oo uu helay Yacquub Max’ed, halka
Cabdi Cismaan uu helay 8-cod, waxaana ku xigeenka duqa degmada
Gaalkacayo ku guulaystay Yacquub Max’ed Cabdalla.
Markii ay doorashadu soo dhamaatay waxaa hanbalyo isu diray
mudanayaashii guulaystay iyo kuwii laga guulaystay oo u tartamayay
hogaanka maamulka degmada ee magaalada Gaalkacayo .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa
hanbalyo u diray masuuliyiinta kala duwan ee ku guulaystay hogaaminta
maamulka degmada iyo masuuliyadda magaalada Gaalkacayo , wuxuun u
sheegay in laga sugyo fulinta ballanqaadyadii ay sameeyeen.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale masuuliyiinta loo doortay usheegay in
haddii ay fulin waayaan waxqabadka ay ballan qaadeen ay wareejin
doonaan masuuliyadda saaran, isla markaana loo dhiibi doono cid kale
oo ka bixi karta masuuliyadda degmada Gaalkacayo.

Magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa si rasmi ah u
heshay gole deegaan oo dhamaystiran , kadib sanado badan oo golaha
deegaanka ee degmadu aanu shaqayn, waxayna arrintani qayb ka tahay
ballanqaadyadii ay samaysay Dawladda cusub ee uu hogaaminayo
Madaxweyne Dr. Cabd-weli Max’ed Cali Gaas.

IMG_0780

IMG_0667

IMG_0620

IMG_0536

IMG_0785

IMG_0780

IMG_0778

IMG_0775

IMG_0769

IMG_0703

IMG_0713

IMG_0715

IMG_0722

IMG_0735

IMG_0737

IMG_0754

IMG_0759

IMG_0763

IMG_0694

IMG_0689

IMG_0674

IMG_0670

IMG_0667

IMG_0657

IMG_0656

IMG_0648

IMG_0647

IMG_0598

IMG_0601

IMG_0603

IMG_0605

IMG_0607

IMG_0620

IMG_0625

IMG_0630

IMG_0643

IMG_0594

IMG_0591

IMG_0585

IMG_0584

IMG_0579

IMG_0571

IMG_0550

IMG_0547

IMG_0544

IMG_0536

IMG_0534

IMG_0532

IMG_0526

IMG_0521

IMG_0517

IMG_0513

IMG_0508

IMG_0505

DSC00190

DSC00194

IMG_0471

IMG_0478

IMG_0490

IMG_0494

IMG_0498

IMG_0503


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles