Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Raysal Wasaare Cabdiwali oo guulmuuqata ka gaaray booqashadiisa Kismaayo

$
0
0

IMG_7588
Sida ay howlwadeenada Puntlandi xogo dhowra ku heleen kulamadii u horeeyey ee Dhexmaray Raysal wasaare cabdiwali iyo Madaxweyne Axmed Madoobe waxay ku dhamaadeen is afgarad iyo guul, Raysal wasaaruhu wuxuu Madaxweyne Axmed Madoobe ugu baaqay in Shacabka Jubaland ay gacmaha is qabsadaan kana hortagaan Dadka danaha gaarka ah wata.

Raysal wasaaruhu wuxuu ku baaqay in Gudi loo saaray xalinta Ciidamada ku sugan banaanka Magaalada ee aan ilaa hada cidna ka tirsaneyn, gudigaasina ma noqonayo mid ay faragalin ku sameynayso Dowlada federaalka laakiin waa inuu noqdaa Gudi ka yimid Waxgaradka Deegaanka Jubaland.

Wararka hordhaca ah ee Puntlandi helayaan waxaa kaloo ka mid ah in uu Raysal wasaaruhu sheegey in Xukuumadiisu ay taageerayso Jubaland laakiin Reer Jubaland looga baahan yahay kaalintooda iney buuxiyaan.

Kulankii Jubaland, Raysal wasaaraha iyo IGAD ku dhexmaray Shalay Kismaayo ayaa isna hoosta looga xariiqey in la raaco Dastuurka Federaaalka.

Warar hoose oo Puntlandi heleen waxay sheegayaan in raysal wasaare Cabdiwali uu ugu baaqay maamulka Jubaland in la hormariyo illaha dhaqaalaha isla markaasna xukuumadiisu ka qaybqaadaneyso, wuxuuna Raysal wasaaruhu sheegey in Jubaland ay u baahan tahay waxka qabasho dhab ah.

Raysal wasaare cabdiwali wuxuu qaadey wado ka duwan tii uu qaadey Raysal wasaare Saacid, wuxuu shacabka, siyaasiyiinta iyo Waxgaradka u sheegey in ay iyagu xaliyaan xurgufaha jira isna uu isbarbar taagi doono.

Shacabka ayaa aad usoo dhaweeyey Raysal wasaaraha oo ay u muujiyeen niyad ka wanaagsan tii ay u qabeen Raysal wasaarihii hore Cabdi Faarax Shiekhdoon, iyadoo labada Raysal wasaare ay asal ahaan labaduba kasoo jeedaan Jubaland.

Puntlandi.com
Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles