Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Daawo Sawiro hor leh Booqashadii Madaxweynaha ee Maxadka Xanaanada xoolaha ee Gaalkacyo

$
0
0

Khamiis 10, 04, 2014 Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay machadka xanaanada xoolaha ee ku yaalla magaalada Galkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha waxaa booqashada uu ku tagay machadkaasi ku weheliyay masuuliyiin ka mid ah golayaasha dawladda, waxayna xarunta machadka kula kulmeen ardayda wax ka barata kuwaasi oo sharaxaado kala duwan ka siiyay tacliinta ay ka bartaan machadka xanaanada xoolaha ee Magaalada Galkacayo.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay hay’adda Tadaamun oo iyadu hir galisay machadkaasi, wuxuu sidoo kale ardayda wax ka barata machada xanaanada xoolaha kula dardaarmay inay waxbarashada sii wataan ilaa ay ka dhamaystiraan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabd-weli ayaa ardayda wax ka barata machadka ku booriyey in barashada xanaanaynt xooluhu ay tahay mid muhiimad weyn u leh dalka, maadaama aynu nahay bulsho ku tiirsan xoolaha nool.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Cabdi-weli Seed oo kulanka ka qayb galay ayaa sheegay in machadkaani uu qiime weyn ugu fadhiyo wasaaraddiisa, isla markaana ay si gaar ah ula socon doonaan ardayda wax ka barata machadka xanaanada xoolaha ee Galkacayo.

Cabdi-raxmaan Cabdirsaq Cabdiraxmaan madax Hay’adda Tadaamun oo iyadu hir galisay machadkaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas uu soo booqdo machadka, isla markaana uu wax ka ogaado qaabka uu shaqeeyo.

Ardayda wax ka barta machadka Xanaanaa Xoola ee Galkacayo ayaa iyaguna si diiran usoo dhoweeyey Madwxeweyne Gaas, waxayna sheegeen inay dadaal dheeraad ah ku bixin doonaan wax barashada xanaanada xoolaha, isla marlaana aysan dayici doonin fursada ay haystaan, iyagoo sharaxaado kala duwan Madaxweynaha ka siiyay qaabka ay wax u bartaan.

Sawirada hoos ka daawo

—DHAMAAD—
Xafiiska Saxaafada ee Madaxtooyada Puntland

IMG_7943

IMG_7945

IMG_7946

IMG_7948

IMG_7949

IMG_7952

IMG_7953

IMG_7954

IMG_7955

IMG_7957

IMG_7958

IMG_7963

IMG_7964

IMG_7965

IMG_7966

IMG_7967

IMG_7968

IMG_7972

IMG_7974

IMG_7975

IMG_7976

IMG_7980

IMG_7984

IMG_7986

IMG_7989

IMG_7991

IMG_7993

IMG_7994

IMG_7995

IMG_8001

IMG_8003

IMG_8005

IMG_8012

IMG_8013

IMG_8016

IMG_8018

IMG_8021

IMG_8026

IMG_8031

IMG_8033

IMG_8034

IMG_8042

IMG_8046

IMG_8048

IMG_8051

IMG_8052

IMG_8053


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles