Gaalkacyo–10 apr.2014–Pi– Gudigii heerka Wasiir ahaa ee Madaxweynuhu u xilsaarey baarista dilkii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ayaa si qodo dheer wali ugu guda jira baaritaanka dilkaas sababtii keentey iyo siduu ku dhacay, Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle(Indha-Guran) oo ka mid ah gudiga ayaa saaka ka warbixiyey halka ay marayaan baaritaanku iyo safarka Madaxweynaha, isagoo wasiirku sheegey iney kuguda jiraan baaritaanka, marka ay gaaraan natiijada kama dambeysta ahna ay soo gudbin doonaan.
Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas wuxuu ku guda jiraa booqashadiisa shaqo ee Gaalkacyo wuxuuna saaka (kahamiis 10 apr.) uu booqdey Xarumaha Dowlada qaarkood, waxaa feer socda Wada tashi gaara oo Madaxweynuhu nuu doonayo inuu isbadal baaxad weyn ku sameeyo MAsuuliyiinta Gobolka.
Amaanka guud ahaaneed ee Magaaladu aad ayuu u degan yahay, waxaa ka cusub oo qura oo maalmahaan la hadal hayaa isbadalka la hadal hayo in lagusameynayo Maamulka Dowliga ah ee Gobolka iyo hogaanka Hay’adaha Dowlada, Dhinaca kale waxaa magaalada isfeer yaacaya dad jaga doon ah oo doonaya iney xilal ka qabtaan Gobolka inkastoo.
Shirkii jaraa’id ee Wasiirka Warfaafinta oo waxyaabo badan ka hadlaya iyo kormeerka MAdaxweynaha ee Saaka dhowaan ayaan idiin soo gudbineynaa.
Puntlandi.com
Gaalkacyo