Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah– Madaxweyne Gaas oo kulan xasaasi ah kulaleh Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo Saraakiisha amaanka ee guud ahaan heer Gobol ilaa Degmo

$
0
0

Ka dib falkii foosha xumaa ee maanta lagu diley Sarakiil Ajnabi ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey xili ay ku sugnaayeen gudaha Garoonka Diyaaradaha Cabdullahi Yusuf Int. AIPORT ee Magaalada Gaalkacyi , iyadoo waliba xiligaas Magaalada Gaalkacyo ay ka jirtey Damaashaadka soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa Madaxweyne Gaas wuxuu durba gaarey Garoonka.

Goor dhaweyd ayaa madaxweynuhu amar ku bixiyey iney isu yimaadaan guud ahaan Saraakiisha Amaanka heer degmo ilaa Gobol iyo dhamaan masuuliyiinta Gobolka iyo degmada.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa Puntlandi u sheegey in kulankaan deg dega ah uu yahay mid aad xasaasi u ah.

Waxaa hada Garoonka Diyaaradaha kusii qulqulaya Saraakiisha ciidanka iyo Madaxda Gobolka iyo waliba kuwa degmada.

wali ma cada natiijada kasoo bixi doonta kulanka oo ay iyana goob joog ahaanayaan Xubno ka tirsan Gilaha wasiirada.

Dilka ka dhacay garoonka diyaaradaha waxas geystey nin horey ciidanka uga tirsanaa oo sida la sheegey xabado horey madax uga dhacay awgood u waalaa.

Kala soco Puntlandi xaalka.

Puntland
Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles