Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Shirkii Brussels oo Madaxweyne Xasan Sheikh dalbaday lacag kaash ah iyo Soomaaliland oo shirka loo diidey

$
0
0

Xasan iyo  Matteo RENZI
Warar Dublamaasiyadeed oo aan helney ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya uu Wadamo ay kamid yihiin Talyaaniga iyo Holland uu ka dalbadey in Midowga Yurub ay lacag kaasha lasoo gaaraan soomaaliya si Dowlada Federaalku ay fursad fiican ugu hesho la dagaalanka Al-Shabaab iyo xasilinta deegaanada laga qabsadey Al-Shabaab, sida ay Howlwadeenada Puntlandi xog hoose ku heleen Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu Raysal wasaaraha Talyaaniga ka codsadey in Talyaanigu uu ula hadlo Midowga Yurub si losoo dadajiyo Lacagihii NEW DEAL ee sanadkii hore ay balan qaadeen Midowga Yurub.

Sargaal aad ugu dhuun daloola safarka Madaxweynaha ee Brussels ayaa Puntlandi u xaqiijiyey in aysan Talyaanigu Wax rajo ah galin Madaxweynaha Soomaaliya codsigiisa ku saabsan sidii lacag kaasha loo siin lahaa soomaaliya, Lakiin Madaxweynuhu wuxuu ku dadaalay inuu Midowga Yurub ka dhaadhiciyo baahida ay Xukuumadiisu u qabto kaalmo caash ah si loo dardar galiyo howlo dhowra oo horyaal xukuumada, Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu kaloo Shirka EU iyo Afrika u gudbiyey Midowga Yurub Qoraal dheer oo ku saabsan waxqabadka xukuumada Federaalka ah iyo qorshaha horyaal, qorshahaasoo uu Madaxweynuhu qoraalkiisa ku cadeeyey inuu u xayiran yahay lacag la’aan.

Maamulka Soomaaliland ayaa iyana soo codsadey iney shirka ka qayb galaan oo wakiilo usoo dirsadaan lakiin waxaa loo sheegey in shirka Soomaaliya ay ka qaybgalayso uuna Madaxweyne Xasan Sheikh matalayo Soomaaliya, markaas ka dib ayaa Wasiirka Arimaha dibada Maamulka Somaliland wuxuu EU u qoray warqad dheer oo uu ku dalbanayo in Maamulkiisu uu ka madax banaan yahay Soomaaliya sidaas awgeed ay EU ula macaamilaan Hargeysa sida wadamada kale ee Afrika.

Puntlandi.com
Brussels


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles