Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdi faarax Shirdoon(Saacid)
ka dib markii C/laahi Maxamed Xirsi (qorrax) oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka soomaaliya uu iska casiley xilkii xildhibaanimo ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Booska uu Qorax baneeyey uu doonayo Raysal wasaarihii hore ee Dowlada Federaalka Mudane Cabdi Faarax shirdoon (Saaacid).
Hadaba Dad aad ugu dhow Raysal Wasaare Saacid oo la hadley Warbaahinta Puntlandi ayaa u xaqiijiyey in wararkaas ay yihiin iska mala awaal oo uusan Saacid dooneyn inuu xiligaan noqdo Xildhibaan Soomaaliyeed.
Qof aad ugu dhow Raysal wasaaraha hore ayaa Puntlandi ku yiri “Saacid dooni maayo inuu xildhibaan noqdo wararkaasna waa iska mala awaal oo xitaa kuma uusan fakarin inuu buuxiyo xilkaas”.
Puntlandi.com
Muqdisho