Ciidooy noo Hiili
Abuukar Cawaale wuxuu u ololeeyaa sidii Qaadka looga manuuci lahaa Yurub, wuxuuna hada ku guuleystey in Qaadka laga joojiyo Wadanka Ingiriiska
Waa ilaaheey mahadiise 8 sano oo aan soo galnay halgandheer watayna samir ,dulqaad iyo anagoo hankayaga ka ilaaliney quus, waxaanu ugu dambayntii ku guuleysanay in baarlamaanka ingiriisku ansaxiyo go’aankii joojinta ama mamnuucista qaadka 31.03.2014. arintaan oo shacabka soomaalida ee wadanka ingiriiska iyo qaarada yuruba aad loo sugayey si weyna loosoo dhaweeyey, joojinta qaadka ee dalka UK ayaa waxaa ka faaiidi doona qoysaska burburka iyo dhibaatadu ku habsatay, waxaa sidoo kale ka faaiidi doona dhalinyarada oo noqon doonta kuwo xayi ah oo shaqaysta dadkooda iyo dalkoodana wax tari doona, hadii alle idmo, waxaan meesha ka maqnayn gabdhaha soomaaliyeed oo cilaan sii marsanaya oo ragoodii ilaaheey goddodka uga soosaaray,
Hadaba guushaan kadib maxaa xigi doona ollolihii qaaddiid ma halkaasuu ku istaagi doonaa, jawaabta su’aashaasi waa maya olloluhu wuxxuu kusoo wajahan yahay Soomaaliya asagoo marka ugu horeeysa ka bilaabi doona Puntland , hadii aan wax yar kataabto dhibaatada qaadku qaadku ku hayo Puntland waxaan oran karaa waa gumeysi casri ah oo lagu guranayo maaliyadii Puntland laguna koontoroolo maskaxda puntland,
Wiilka dhalinyaradaa ee Soomaaliyeed waxaa loo baahan yahay inuu la jaan qaado oo la tartamo dhalinyarada aduunka taasina suuro gal noqon mayso hadii uu qaadka cuno, wuxuu noqonayaa habad, wahsi badan, oo aan firfircoonayn, oo markuu barqadii soo tooso himiladiisa ugu weyn tahay taloow manta xagaan jaadkii iyo qadadii ka helaa.
Dhibaatadan oo ah mid waadic ah oo lawada ogsoon yahay ayaad waxaad moodaa in si wax u jiraan oo laga wada gaabsaday in wax laga qabto Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa ku tilmaamay isticmaalka qaadka inuu ka masuul yahay burburka qoyska iyo dhaqaalaha dalka..waxaan kaloo marna la ilaawi Karin dardaarankii alle ha u naxariisye Marxuum Halgamaa Maxamed Saalax deer ( Xaaji ladane ) oo ka dardaarmay in laga hortago
dhibaatada qaadka, hadaba hadaanu nahay ururka qaaddiid anagoo xog ogaal u ah arimahaasoo dhan waxaanu ku dhiiran doonaa inaan fooda gelino oo aan si toosa u abaaro sidii aan wax ugu qaban lahayn dhibaatada qaadka, waxaan shaki ku jirin ineey tahay howl adag oo u baahan in si qibrad leh loo wajaho, waxaana la kaashan doonaa hay’adaha kala duwan ee dalka anagoo samayn doona tallo aruursi farabadan.
Gebagebadii dadka qaar ayaa waxay dhahaan arintaan waxba lagama qaban karo oo waa howl dad xoog iyo lacag haysta ay hogaaminayaan ,raalina kama noqon doonaan in ganacsigooda ollole lagu qaado.
Waxaanse leenahay shacabkoow na taageer, dowladooy nagarab istaag, Ciidooy noo hiili, guushana waanu gaari doonaa hadii alle idmo.
Abukar Awale ( Qaad Diid )
Gudoomiyaha La dagaalanka Qaadka. www.qaaddiid.com https://twitter.com/Abukarawale