Brusseles–01 April.2014— Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa caawa goor dambe laga sugayaa Magaalada Caasimada Midowga Yurub ee Brussels Dalka Beljam.
Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu Brussels uga qayb galayaa Shir gaaban oo dhex maraya Madaxda Afrika qaarkood iyo Midowga Yurub kasoo looga hadlayo xaalada Wadamada Afrika ee dhibaateysan oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Sida aan wararka ku heleyno wuxuu kaloo Madaxweynuhu ka qayb galayaa Shir looga hadlayo Cimilada Aduunka.
Waxaa isna jiri doona kulan gaara oo Madaxweynaha lagala hadli doono barnaamijkii NEW DEAL.
Safarka Madsxweynuhu wuxuu qaadanayaa Sadex maalmood sida la qorsheeyey.
Puntlandi.com
Brusseles.