Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xariga Ka Jaray Wasaaradda Dastuurka,Arrimaha Federalka Iyo Dimuqraadiyaynta Puntland (Sawiro)

$
0
0

Garowe–Isniin 31, 03, 2014 Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdi-xakiin Cabdillaahi Xaaji cumar Camay ayaa ka qayb galay munaasabad lagu daah furayay Wasaaradda Dastuurka,Arrimaha Federaalka Iyo Dimuqraadiyaynta Ee Dawladda Puntland .

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa iyaguna ka qayb galay munaasabadda, maadaama ay Wasaaradda Dastuurka,Arrimaha Federalka Iyo Dimuqraadiyaynta Puntland xiriir wanaagsan la leedahay dhamaan Wasaaradaha kale.

Saraakiil ajnabi ah oo ka socday beesha caalamka oo ka yimi dalka dibaddiisa ayaa goob joog ahaa munaasabadda lagu daah furayay Wasaaradda Dastuurka,Arrimaha Federalka Iyo Dimuqraadiyaynta Puntland , waxayna muujiyeen inay ku faraxsan yihiin in wasaaraddani ay kusoo biirto wasaaradaha kale ee Dawladda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federalka Iyo Dimuqraadiyaynta Puntland Sahra Siciid Max’ed ayaa faah-faahin ka bixisay shaqada rasmiga ah ee Wasaaradda, waxayna sheegtay in Wasaaraddu si qotta dheer ugu howl gali doonto sidii ay uga shaqayn lahayd Dastuurka, Arrimaha Federaalka Iyo Dimuqraadiyaynta isla markaana ay wax badan ka qaban doonaan shaqooyinka loo igmaday, hase yeeshee waxay dhamaan masuuliyiinta dawladda ka codsattay in garab lagu siiyo howlaha wasaaradda hor yaalla.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Cabdi-xakiin Cabdillaahi Xaaji cumar Camay ayaa sheegay in wasaaraddani ay muhiimad weyn u leedahay Puntland iyo shacabkeeda isla markaana ay si buuxda u taageeri doonaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntand Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa soo dhoweeyey Wasaaradda Dastuurka,Arrimaha Federaalka Iyo Dimuqraadiyaynta Puntland , wuxuuna madaxweynuhu tilmaamay in ay si dhab ah uga shaqayn doonto Arrimaha Dimuqraadiyaynta oo shacabka Puntland ay sanadka 2019-ka ay codkooda ku dooran doonaan madaxda Puntland.

Wasaaradda Dastuurka,Arrimaha Federalka Iyo Dimuqraadiyaynta Puntland waa wasaarad ku cusub haykalka Dowladnimo ee Puntland, waxaana Madaxweyne Gaas uu noqday Madaxweynihii u horreeyey oo Puntland ka hir galiya Wasaarad shaqooyinkaasi qaban doonta.

Sawirada hoos ka daawo

-DHAAMD-
IMG_4798

IMG_4805

IMG_4806

IMG_4810

IMG_4815

IMG_4818

IMG_4831

IMG_4838

IMG_4840

IMG_4848

IMG_4852

IMG_4859

IMG_4863

IMG_4865

IMG_4867

IMG_4870

IMG_4879

IMG_4885

IMG_4893

IMG_4899

IMG_4954

IMG_4954[1]

IMG_4964

IMG_4965

IMG_4973

IMG_4982

IMG_4983

IMG_4997

IMG_5001

IMG_5010

IMG_5019

IMG_5021

IMG_5028

IMG_5030

IMG_5033

IMG_5040

IMG_5042

IMG_5047

IMG_5049

IMG_5052

IMG_5055

IMG_5061


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles