Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweyne Gaas oo xariga ka jaray wadooyin laami ah lana kulmey Safiirka Emaraatka

$
0
0

Khamiis 27,03,2014  Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdi-weliMax’ed Cali Gaas oo ay weheliyaan qaar ka mid ah golihiisa wasiirada,gudoonka Gobolka Bari Cabdi-samad Max’ed Gallan, Duqa Degmada Bosaso Xassan Cabdalla Xasan iyo xubno kale oo muhiim ah ayaa xariga ka jaraywadooyin laami ah oo laga dhisay magaalada ganacsiga Puntland ee Bosaso.

Wadooyinka uu madaxweynuhu xariga ka jaray ayaa kala ahaa jidka DaaraSalaam iyo wadada huruuse oo labadaba laga dhigay laami ka dib sanadobadan oo aysan habaysnayn waxaana waqtigan si nidaamsan u adeegsandoona gadiidka iyo dadweynaha magaalada.

Duqa degmada Bosaso Xassan Cabdalla Xassan ayaa madaxweynaha uga xogwaramay dhismaha wadooyinkan iyo mudada lagu hir-geliyay , isagoosheegay inay ku dhiseen mudo kooban,wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inayka shaqeeyaan ilaalinta wadooyinkan cusub.

Xassan Cabdalla Xassan waxa uu sidoo kale sheegay inay gcanta kuhayaan wadooyin kale oo uu ka mid yahay jidka 30-ka, kaasi oo si toosah u gali doona Madaxtoyada Puntland, isla markaana ay ku dhamays tiridoonaan mudo kooban.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaasheegay inuu ku faraxsan yahay in magalada Bosaso oo ah halbowlaha Ganacsiga Puntland ay yeelato wadooyin laami ah, isagoo bulshada Gobolka Bari ku booriyay inay sii wadaan horu marka ay hiigsanayaan.

Madaxweyne Gaas waxa uu sidoo kale u sheegay masuuliyiinta degmada iyogobolkaba in halgamayaashii u geeriyooday danta Puntland loogu magacdaro wadooyinka kale ee la dhisi doono, si aan loo ilaawin waxqabadkiiay u muujiyeen dadkooda iyo dalkoodaba.

Dhanka kale Madaxweyne Gaas waxa uu booqasho rasmi ah ku tagay XaruntaCiidanka Badda Puntland ee ku taalla magaalada Bosaso, wuxuun halkaasikula kulmay Safiirka Dowladda Emaradka ee Somalia Max’ed Cusmaaniyagoo yeeshay kulan gaar ah .

Kulanka labada masuul ayay kaga wada hadleen sidii Dowladda Emaradku uxoojin lahayd taageerada ay siiso Puntland, iyo in Ciidanka Badda Puntland kor loo qaado, si looga hor tago khataraha dhinaca badda iyo berigaba.

Ambassador Max’ed Osman ayaa sheegay in Dowladdiisa ay ka go’antahaysidii loo garab istagi lahaa Puntland, loogana caawin lahaa horumarada ay ku tallaabsanayso.

Kulankaas Ka dib Madaxweynha Dowladda Puntland Dr.Cabdi-weli Max’edCali Gaas waxa uu booqasho ku tagay deegaanka Bander-Ziyaada ‘Qow” ooka tirsan gobolka Bari, wuxuuna halkaasi kula soo hadlay odayaasha iyodadweynaha deegaankaasi, isagoo u sheegay in Dowladdiisu ku rajowayntahay sidii horu mar loo gaarsiin lahaa dhamaan shacabka Puntlandoo dhan.

Sawirada goor dhow naga filo

-DHAMAAD-

Xafiiska Warfaafimta.Wacyi-glinta Iyo Hiddana Iyo Dhaqanka EeMadaxtooyada Puntland.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles