Kampala, March 27.2014——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa kulan la yeeshay Raysal wasaaraha Itoobiya iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya Aamina Cabdalla Maxamed, iyaga oo ka wadahadlay arrimo kala duwan oo ku aadan siyaasada, ammaanka iyo qaxootiga.
Labada Raysal wasaare waxay ka wada hadleen xiriirka labada Dal iyo Howlgalka ay Ciidamada Itoobiya ka wadaan Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii uga tacsiyadeeyey dawladda iyo shacabka Kenya dhimashadii ka dhalatay weerar ay kooxo hubeysani ku qaadeen goob Kaniisad ah oo ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna tilmaamay in sidaasi si la mid ah ay kooxaha argagixisadu u dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.