Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

MAQAAL– Shabeelaha Hoose maxaa yaal oo loogu soo hayaamay

$
0
0

Amaanku waa kaabiga nolosha bini’aadamkuna nabad la’aan ma noolaan karo, sharciga iyo kala dambeyntunu qaybweyn ayay nolosha ka tahay, Soomaaliya waa la isyaqaan inkastoo waayadaan dambe ay jiraan Dad aan ku qanacsaneyn dhulkii awoowayaashood deganaayeen ama ay iyaguba ku dhasheen.

Waxaan Xasuustaa oo aan indhahayga ku arkey sanadkii 1992 xiligii Dagaalka sokeeye Maleeshiyaadkii Alla ha u naxariistee General Caydiid oo Qoysaskooda kasoo hayaanshey Gobolada dhexe, waxaa cajiib ahayd in qoysaskaas qaarkood xoolo dhaqato ay ahaayeen oo xoolohoodii Inatareeyo iyo sabaax lasoo saarey waxaana loosoo hayaamiyey Gobolka Shabeelaha hoose oo markaas loosoo sahamiyey.

Dadka deegaanka Gobolka Shabeelaha Hoose way soo dhaweeyeen maatada iyo Caruurta kasoo hayaamey deegaanadaas fog laakiin ma aysan garan khiyaamada ka dambeysa oo ahayd dhulbalaarsi, ismana aysan waydiin Meeye ragii Qoysaskaan, dabcan Ragaas waxay xiligaas Ku mashquulsanaa Xasuuq iyo barakicin shacab kale oo Soomaaliyeed.

Dhibaatada ugu weyn ee Dadka deegaanka Shabeelaha Hoose iyo waliba Shabeelaha dhexe loo geystey waxaa ugu waynaa oo lama illaawaan ah Xasuuqii qarsoonaa ee loo geystey Dhalinyaradoodi ilaa aakhirkii loo baxshey LOOMA OOYAAN.

Hadaad maqasho askari baa dambi lagu xukumay oo la toogtay ama maxkamad lasoo saarey Magaalada Muqdisho waxaad ogaataa in askariga la tooganayo uu yahay Dadka Muqdisho looga yaqaan LOOMA OOYAAN oo ah kuwa maanta dhulkooda lagu heysto iyadoo shaar Dowladeed looso xirtey.

Waa cadaalad daro waxa ka socda Koonfurta Soomaaliya oo aad moodo in dad lagasoo tuurey deegaan kale ay qas ka wadaan Xamar ilaa Kismaayo, waxaan ku talinlahaa Soomaaliya ka badan Soomaali ee hala ixtiraamo martinimada, qofkaan Marti edeb leh noqon karin haku noqdo dhagixii uu kasoo hayaamey.

Waxaa qorey
Farxaan Cali
Farxaan@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles