Qarixii maanta lala beegsadey Guri ay shaqaale Turkiya Deganaayeen Xaafada Hodan ee Magaalada muqdisho ayaa lagusoo waramayaa in dhimashadu gaarayso hal qof oo Rayid ah iyo laba qof oo naftood haligayaal ah, waxaa dhawacmey afar qof oo midi turki yahay.
weerarka ayaa ahaa mid la doonayay in gudaha loo galo guriga, sababtoo ah Qofka isqarxiyey waxaa daba socdey Qofkale oo ay ku xiraayeen Waxyaabaha Qarxa kaloo isla goobtii isna ku qarxay.
Qofkaan dambe ee Waxyaabaha Qarxaa u xiraayeen waxaa istaajiyey Ciidan Turkigu leeyihiin, ka dibna wuu qarxay qofkii waxaa sidaas Puntlandi u sheegey qof ka agdhowaa goobta la weeraray.
Warar ay Puntlandi heleen ayaa sheegaya in qof turki ahi uu ku dhawacmey weerarka , Dowlada Turkigu illaa hada kama aysan hadlin weerarka lagu qaadey shaqaalohood.